MUXUU YAHAY XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA ?

MUXUU YAHAY XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA ?
ZZZZZILAANYO

Paris(Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa sheegay in aanay jirin dariiq kale oo uga bannaan inay ku beddeshaan baadi-doonka Aqoonsi Caalami ah oo beesha caalamku ugu yaboohdo Somaliland,
in kasta oo uu sheegay inuu dalkiisa ka jiro nidaam dawladeed ka heer sarreeya waddamo badan oo Gole-weynaha adduunka ka tirsan.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu si qoto-dheer uga warramay qiimaha Golaha Guurtidu ugu fadhiyo dhismaha qaranimada dalka oo uu sheegay inay
yihiin meelaha ay uga suurto-gashay hirgelinta nidaamka dawladeed iyo kala-dambaynta ka tis-qaadday Somaliland.
Axmed Siilaanyo oo Waraysi siiyey Jariirad xarunteedu tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo uu booqasho ku tagay bishii hore, ayaa sidoo kale ka hadlay haddii uu jiro xidhiidh ka dhexeeya madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waraysiga dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Jariiradda Jeune Afrique oo dhinacyo kala duwan tabanaya, ayaa u dhacay sidan:
Waa maxay mowqifka Faransiisku ka taagan yahay aqoonsiga Somaliland?
Kama duwana kuwa kale ee wadamadda Yurub, mar walba waxay sheegaan inay tahay midowga Yurub kuwa go’aan inay ka gaadhaan loo baahan yahay.
Muddo gaadhaysa labaatan sanno ayaad dalbayanseen aqoonsi caalamka aad ka heshaan, balse aan waxba ka suurtoobin. Maxaad ku beddelaysaan?
Ugu horeyn, ma lihin waddo kale aan ahayn inaan raadino aqoonsiga caalamka. Laakiin,inkastoo aanan weli helin, waxaan nahay dal jira oo
horumar samaynaya. Waxaan dhisanay waddooyin, iskuulo, cusbitaalo,dhaqaalahayagu wuu kobcayaa, ilaahay baa mahadaa leh xasiloonida aan haysano ayaa keentay, ee aan ka jirin marka la barbardhigo Soomaaliya.
Dalkayagu waa ammaan, waxaan la dagaalanaa budhcad-badeedka iyo xasiloonidarada gobolka. Meel fiican ayaan maraynaa.
Sannadkii 2012 waxa loo doortay madaxweyne cusub Soomaaliya, waa sidee xidhiidhka aad leedahiin?
Ma jiro wada xaajood toos ah oon wadaagno.Waxaan kawada qeyb-galay shirka Turkiga, laakiin, waxa layaab leh sida madaxweynaha Soomaaliya u sheegto inaan ka mid nahay, halka annaguna taa lidkeeda aanu caddeynay.
Ma diidanin iskaashi aanu ka yeelano dhinaca ganacsiga iyo maalgashi aan dalkooda gashano. Waxa naga dhexeeya isdhexmar ganacsiga iyo dadka,
marka laga reebo arrimaha siyaasada.
Furaha xasiloonida Somaliland waxa keenay awoodda ay u heshay isdhexgalka nidaamka siyaasadda iyo xeerkii dhaqanka, taasi ma keeni kartaa fursad Soomaalida u shaqeysa?
Waxaan rejaynaynaa inay isku dayaan ku dhaqanka khibradayada. Tusaale ahaan, waxaan abuurnay gole Guurti, wakhtigii halganka xoreynta. Fikradu
waxay ahayd abaabulka iyo isku keenta reeraha. Ilaa wakhtigaa waxay ahayd golaha labaad ee baarlamaanka. Waxay ka shaqeeyaan wanaajinta
xidhiidhka qabaa’ilka dhexdooda, isla markaana fududeeyaan wada xaajoodka dhinacyada iskhilaafa.
Xigasho: Wargeyska Himilo…