Nin Aan Dabaal Garanayn Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Kadib Muddo Saddex Maalmood

Nin Aan Dabaal Garanayn Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Kadib Muddo Saddex Maalmood
DABAL GARANAY

Tseng lien oo u dhashay dalkaasi Taiwan ayaa waxa uu ku guulaystay in la badbaadiyo kadib markii uu badda ku dhex jirey muddo saddex maalmood ah.
Ninkani ayaa baddu qaaday xilli uu kalluumaysanayey, waxaana la sheegay inaanu garaneyn sida loo dabaasho, laakiin wuxuu ku badbaaday geed dul sabaynayey biyaha badda.
Tseng ayaa la sheegay inuu ku dhegay geedkii oo uu qabsaday wuxuuna badda ku dhex jirey muddo 60-saacadood ah.
Ninkan aan dabaasha garanayn ayaa la sheegay inuu boqolaal kilomitir uu dhex socdey badda,isagoo geedkii haysta,waxaana markii dambe soo badbaasiya koox gurmad ah,kadibna loo qaaday xarun caafimaad.
Tseng ayaa oo 42 sano jir ah ayaa wacad ku maray inaanu u dhowaanaynin badda iyo inuu iska deyn doona kalluumaysiga si aynan qatar dambe usoo gaadhin noloshiisa.sida laga soo xigtey saxaafadda dalkaasi.