Nin Hindiya Oo 116 Jir Ah Oo Ku Guulaystay Tartanka 400m

Nin Hindiya Oo 116 Jir Ah Oo Ku Guulaystay Tartanka 400m

HINDI

Tartankii 35aad ee lagu qabtay koonfurta Hindiya ayaa lagu arkay rikoodh aan hore loo arag.
Ninkan oo la yidhaah Dharampal Gujjar ayaa 200mitir ku orday muddo 46.74 ilbidhiqsiya wuxuuna ku guulaystay 400mitir.
Ninkani oo 116jir ah ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay tartankaasi sida uu sheegay telefishanka dalkaasi Hindiya NDTV.
Ninkani ayaa la sheegay inuusan wax dhaqaale ah haysan markii uu ka qaybgalayey tartanka oo ay caawiyeen asxaabtiisa si uu uga qayb galo tartankaasi. Ninkani ayaa wuxuu noqday qofkii ugu da’da weynaa ee ka qayb gala tartan orod ah caalamka markii ugu horeysay kuna guulaysta.
Cuntada isku dheelitiran (balanced diet)ayaa iga caawisay caafimaadkayga iyocimri dheerida, ayuu ku jawaabay ninkaasi.