Nin Isagoo Isticmaalaya Google Kala Kulmay Amakaag Markii Lagu Daray Liiska Dadka Eedaysanayaasha Ee la Doonayo

Nin Isagoo Isticmaalaya Google Kala Kulmay Amakaag Markii Lagu Daray Liiska Dadka Eedaysanayaasha Ee la Doonayo
Google

Nin u dhashay Dalka Mareykanka ayaa fajiciso iyo amakaag ku noqotay kadib markii Sawirkiisa uu ka baaray Google uu ku arkay Sawirkiisa oo lagu daray Liiska dad dambiilayaal ah oo Bileysku ku raad joogeen.
Sida ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Dalka Mareykanka ninkan ayaa galay Google si uu isagaa Baadho in Sawiradiisa ay ku jiraan Googlaha , hasa ahaatee mar qura ayaa xaalka ninkan is badashay kadib markii uu Sawirkiisa iyo Magaciisa ku arkay Liiska dad laga baadi goobayo Waqooyiga California.
Christopher Viatafa oo 27 –sano jir ah ayaa isku arkay Liiska Dadka ay Ciidamada Baadi goobayaan , waxaana ninkan lagu eedeeyay in Rasaas aan qasaaro geysan uu ku furay Ciidamo katirsan Booliiska Mareykanka. Isagoo yaaban buu iska xidhay internetkii bilaabayna sidii uu uga baxsan lahaa bileyska dalkaasi.