Nin Japanese Ah Oo 100m Ku Orda Gacmihiisa Iyo Lugihiisa Oo Rikoodh Cusub Dhigay

Nin Japanese Ah Oo 100m Ku Orda Gacmihiisa Iyo Lugihiisa Oo Rikoodh Cusub Dhigay
Japanes

Ninkan oola yidhaah Kenichi Ito ayaa 16.87 ilbidhiqsi, ku dhamaystay tartanka 100mitir isagoo ku ordaya labada gacmood iyo lugihiisa.
Ninkan oo 30 jir ah una dhashay dalkaasi Japan ayaa muddo toban sanadood ah tababar ku jirey. Isagoo baranayey sida baabacada loogu ordo iyo lugaha isagoo ka baranayey buugta,iyo video ga,iyo booqasho beerta xayawaanka isagoo xitaa mararka qaar afarta xubnood ku socdo markuu magaalada dhexmarayo maalinwaliba.
Ito ayaa ku rajo weyn in tartanka afarta xubnood lagu ordayo uu mar uun noqdo ciyaar caalami ah.
Carlos Martinez, oo garsoore ka ah buugga lagu qoro rikoodhka dadka Guiness ka ee dunida,ayaa marqaati ka ahaa isla markaana ku dhawaaqay in ninka Ito uu dhigay rikoodh cusub.