Nin Ku Qasbay Saaxiibadii Inay Cabto Acid Kadib Markii Loo Diiday Inuu Guursado

Nin Ku Qasbay Saaxiibadii Inay Cabto Acid Kadib Markii Loo Diiday Inuu Guursado
ACIDH

Nin u dhashay dalkaasi Nigeria ayaa la xidhay oo lagu eedeeyey inuu ku kacay ficil dil ah,kadib markii uu ku qasbay saaxiibadii inay cabto koob acid ah,sida ay sheegeen bileyska dalkaasi.bileyska caasimadda dalkaasi ee Lagos ayaa tibaaxay in ninkani oo 23jir ah ayaa loo diiday in lagu sii daayo wax damiin ah.
Wuxuu ku qasbay saaxiibadii oo 26jir ah in ay cabto koob acid ah kadib markii loo diiday loona sheegay inay guursan doonto ninkale. Si kastaba ha ahaatee,markii ay guursatay nin kale isagoon ogayn,ayuu aad uga xanaaqay, una diyaariyey koob acid ah oo lagu dhinto kuna qasbay inay cabto kadibna waa uu baxsaday.
Dhacdadan ayaa waxaa bileyska u sheegay ninka hudheelka leh markii uu arkay maydka gabadha