Pakistan: Gabadh 17- Jir Ah Oo Is Gubtay Markii Lasii Daayey Eedaysanihii Kufsaday

Pakistan: Gabadh 17- Jir Ah Oo Is Gubtay Markii Lasii Daayey Eedaysanihii Kufsaday
PAKISTAAN

Gabadhan 17 jir ah una dhalatay dalkaasi Pakistan oo ay kufsadeen rag ayaa is dishay maalintii jimcihii kadib markii loo sheegay in bileysku ay sii daayeen eedeysanihii ka dambeeyey kufsigii lagula kacay gabadhaasi,sida ay sheegeen walaakeed iyo dhakhtarkii.
Gabadhan yar oo ardayad ahayd lana yidhaah Amina Bibi ayaa petrol isku shubtay kadibna dab isqabadsiisay dibadda saldhig bileys ah ee magaalada Muzaffargarh, oo ku taalla galbeedka gobolka Punjab ee dalkaasi Pakistan.
Video uu duubay qof daawanayey markii ay isgubaysay ayaa lagu arkay gabadh xijaaban oo qiiq wada qabsaday jidhkeedii oo dhan mar qudha,iyo wajigii oo wada gubtay.
“waynu daawaynaynaa laakiin dhaawacyada ayaa halis ah,” ayuu yidhi dhakhtar local ah oo la yidhaah Muhammad Usman, mar u u warramayey wakaaladda wararka ee Reuters.
Go’aanka bileyska ee ahaa inla sii daayo ninkii ka dambeeyey kufsiga ayaa wax aysan qaadan Karin ku noqdayBibi, ayuu walaalkeed usheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
“iyadoo markii hore ay ahayd qof aad u murugsan oo aan faraxsanayn,laakiin markii la sii daayey eedeysanihii,way rajo dhigtey oo waxay ogaatay inaysan cadaalad helaynin kadibna waxay go’aansatay inay isgubto,” ayuu yidhi Ghulam Shabir waa walaalkeed.
Bibi waxaa kufsaday shan ragga mar ay kusii socotay iskuulkeeda,ayuu ku daray walaalkeed.
“waynu wada soconay markii ay shan ragga kaxaysanayeen gabadha oo hubaysan,ayuu ku yidhi walaalkeed. “laakiin wax aanka qaban karay oo aan awoodo majirin sababtoo ah raggu way hubaysnaayeen.”
Bileyska ayaa xaqiijiyey in kiiska ay dib u eegi doonaan kadib dhimashadeed.
“waxay u muuqataa in kiiskani aan si wanaagsan loo baadhin,” ayuu yidhi taliyaha saldhigaasi oo la yidhaah Chaudhry Asghar. “waan erinay sarkaalkii dambi baadhista, oo la yidhaah Rana Zulfiqar, oo aan jeelka dhignay si aynu u baadhno isaga.”