QAAR KA TIRSAN MUJAHIDINTII SNM EE GOBALKA TOGDHEER OO BANAANBAX CABASHO AH KA HORDHIGAY XARUNTA MAAMULKA GOBALKA EEDAYNA USOO JEEDIYAY XUKUMADA TALADA HAYSA + SAWIRO

QAAR KA TIRSAN MUJAHIDINTII SNM EE GOBALKA TOGDHEER OO BANAANBAX CABASHO AH KA HORDHIGAY XARUNTA MAAMULKA GOBALKA EEDAYNA USOO JEEDIYAY XUKUMADA TALADA HAYSA + SAWIRO
SNM 2

Burco (Sakaanmedia.com) Qaar ka Tirsan Mujahidintii SNM Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta Banaanbax Baladhan Oo Cabasho ah ka Hordhigay Xarunta Gobalka Togdheer ayaa Eedayn usoo Jeediyay Xukumada Talada Haysa
Waxaanay Mujaahidintani Maanta Sameyay Banaanbaxa Cabashada ah ay Xukumadu ku Eedeyeen inay ka Gaabisay Wax u Qabashada Dadkii usoo Halgamay Dibu Xoraynta Dalka.

SNM 4

Ugu Horaynba Waxa Banaanbaxaasi ka Hadlay Cabdi Saleban Caateye Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii .
” Waxaanu Maanta Halkan u Joognaa in Aanu ka Hadalno Anagoo ah Mujaahidintii SNM Ee Waawaynayd Ee Sidatay Derajada A,Waxaanu Fariinta u Horaysay u Diraynaa Madaxwaynaha Oo Aanu Leenahay Madaxwayne Yaan si..
Kale Lagaagugu Sheegine Waxaanu Nahay Raggii Kula Halgamayay Wakhtigii Dibu Xoraynta Dalka Ee aydaan Marqudha Kala Leexanin,Ragayaga Halkan Joognaa Waa Ragii ka Degalamay Burco Duuray,Madaxwayne Waxaanu Wali kaa Sugaynaa Balanqadkagii ahaa Ururka SNM Waxbaan u Qabanayaa, Nafadooda Dhakhtar Baan u Dirayaa ayaanu Wali kaa Sugaynaa,Wali Waxba umaad Qabanin Mujahadintii SNM Ee Dalka Soo Xoreyay,Madaxwayne Waxaanu Maqalnay inaad Burco imanayso Ee Dhinac Hanaga Dhaafin Oo Nala Kulan Haddii Aad Dhinac Naga Martana Raali Kama Nihin” Ayuu Yidhi Cabdi Saleban Caatey

SNM 1

Cawil Aden C/Laahi Oo isaguna ka Halkaasi ka Hadlay ayaa Waxa Ka Mid ahaa Hadalidisii

” Waxaanu Nahar Ragii Mujahadiinta ahaa Ee Dalkan Soo Xoreyay,Waxaananu in Badan Dowlada Silanyo Kala Hadlay Saxafada Xuquuqdayadii,Xukumadu Wali May Tixgalin Xuquuqdayadii Oo Noomay imanin,Namanayn Waydiin Waxaanu ka Cabanayno,De Malaa Waxaanu Kala Garanba Waynay in Somali National Movement Aanu Wali Wadno Dibu Xorayntisii Oo Aanan Somaliland Xoraynayn,Dalka Oo Dhan Waxa ka Furan Sadex ilaa Afar Xafiis Oo Magac Ciyaalo ah Oo Aan Waxba u Qabanin Mujahidintii Dalka Soo Xoraysay,Raga Xafiisyada Loo Furay Ee ku Shaqaysanaya Magacii SNM Waxba Uma Qabtaan Mujahidintii SNM,Waxaanu Leenahay Dowladu Hala Xisaabtanto Ragay Xafiisyadaas u Dhiibtay,Madaxwayne Waxaanu ku Shegaynaa Haddii Aad Maanta Sidan Nagu Dhaafto Xuquuqdayadii Dib ayaanu Ugu Halgamaynaa” Ayuu Yidhi Cawil Aden C/Laahi

C/Risaaq Cabdi Oo isaguna ka hadlay Cabashada Banaanbaxa ay Sameyeen Qaar ka Tirsan Mujahidintii SNM ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii

SNM 5

Somaliland Mid Baan Leeyahay,Waxaan Leeyahay Somaliland Waxay Leedahay Hanala ictiraafo,ilaa iyo Anaga Hadii Aanu Nahay Mujahidiintii SNM La ictiraafi Maayo Haddii Aan Anaga Nala ictiraafin,Dalkan Waanu usoo Dhibatoonayn Oo usoo Halganay Hadana Waxa la Leeyahay Dalka hala ictiraafo,Ictiraaf Somaliland Kuwan ayaa Haya Mujahidiintan,Marka Mujahidintan Si Uun la Dhaho ayuunba Dalkana la ictirafayaa,Somaliland Maanta Waxa Darajooyinkii la Siiyay Dad Aan uso Halgamin,Maxaa Lagu ictirafaa Somaliland Kuwii usoo Degalamay ayaa Sidan ahe,Xeryaha Ciidanka Somaliland Waxa Derajoyinkii Lagu Siiyay Ragii Aanu isdilaynay Ee Faqashka ahaa,Madaxwayne Cadowgii aynu Erinayn ayaad Derajo Noo Siisay Waa Mid Subxaanale,Madaxwayne Waxaanu ku Leenahay Rag Meel Kale ka Yimi Ma Nihin,Ragii Aad Shalay Lahayd Maxaan Anigu idiin Qaban Karaa Wadanka Riyaale Oo Enasas ah ayaa Wadanka Haystee,Madaxwayne Balanqadyadii Jaaxa iyo Kuwii Halkanba Waxba Kamaad Fulinin” Ayuu Yidhi C/Risaaq Cabdi.
SNM 11

Si Kastaba ha ahatee Dhawaaqani ka Soo Yeedhay Qaar ka Tirsan Mujahidintii SNM Ee Gobalka Togdheer ayaa Ku Soo Beegmaya Wakhti Magalada Burco Laga Warsugayo inay Yimadaan Wafti ka Socda Xukumada Somaliland Oo Uu Horkacayo Madaxwaynaha Somaliland…