Raysle La Xidhay Markii Uu Timaha Ka Xiiray Gabadh

Raysle La Xidhay Markii Uu Timaha Ka Xiiray Gabadh

RAYIISLE

Dalkaasi Sucuudiga ayaa bileysku xidheen nin carab ah oo raysle ah kadib markii lagu qabtay isagoo timaha ka xiiraya gabadh 20 jir ah,isagoo lagu eedeeyey inuu ku xadgubay sharciga guud ee xannibaya in aanu ragga iyo dumarka is dhexgelin..
Xubno ka tirsan guddida wanaag farista xumaan reebista ee dalkaasi Sucuudiga ayaa xoog ku galay meherada rayslahaasi oo ku yiillay magaalada dekeda ah ee Jeddah kadib markii ay heleen warar ah inuu rayslahaasi timaha xitaa ka xiiro dumarka, sida uu sheegay wargayska maalin laha ee Sabq.
“xoog bayku soo galeen meherada kadibna waxay arkeen rayslihii oo timaha ka xiiraya gabadh iyadoo albaabkuna xidhaa,”ayuu wargaysku ku daray .
“waxay xidheen rayslihii gabadhiina waxay gacanta u geliyeen qoyskeeda, rayslahani ayaa ka shaqaynayey dalkaasi Sucuudiga muddo bil ah,wuxuuna qirtey inuu leeyahay customer badan oo dumar u badan isagoo qiime dhimisna u sameeya tima xiirista.”
Dalkaasi Sucuudiga waxaa ka mamnuuc ah inay raga iyo dumarka is dhex galaan.