Sarkaal ka tirsanaa Kooxdii lagu qabtay deegaanka Sayla Ee ka Soo Talowday Itoobiya oo ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa.

Sarkaal ka tirsanaa Kooxdii lagu qabtay deegaanka Sayla Ee ka Soo Talowday Itoobiya oo ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa.
news22

Sarkaal ka tirsanaa Kooxdii lagu qabtay deegaanka Sayla Ee ka Soo Talowday Itoobiya oo ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa.
Hargeysa(Salaanmedia.com) Mid ka mid ah Kooxdii dhawaan Booliiska Somaliland ku soo qabteen deegaanka Sayla ee xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa xalay la sheegay si lama filaan ah oo aan illaa hada la garanayn inuu uga baxsaday Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.
Ilo wareed u dhuun daloola dhacdadan ayaa Farriinnews.com u sheegay in xalay laguw ar helay ninkaas oo ka maqan Saldhiga, waxaanu warku sheegay in Booliisku ay xidheen dadkii eheladiisa ahaa ee xalay u keenay cashada kadib markii la waayey.
Sarkaal ka tirsan Booliiska oo farriinnews.com dhacdadan wax ka weydiisay ayaa xaqiijiyey jiritaanka warkan, hase yeeshee waxa uu ku gaabsaday in goor dhaweyd lagu soo war-geliyey balse aanu war faahfaahsan ka hayn qaabka uu u baxsaday.
Ninka baxsaday ayaa la sheegayaa in uu hore u ahaan jiray maamulka deegaanka Xarshin, isla markaana uu ka mid ahaa kooxo ay si is-daba joog ah Dadka Deegaanka Sayli uga soo qabteen degmadaasi iyagoo Hub sita.
Illaa hada Xukuumadda Somaliland qab qabashada kooxahaasi wax war ah kamay soo saarin hase yeeshee warar is khilaafsan oo ka soo baxay qabashadooda ayaa sheegaya qaarkood in ay ahaayeen Maleeshiyada mucaaradka ku ah Itoobiya ee ONLF, isla markiibana loo gudbiyey dhinaca Itoobiya.
Halka wararka kale ee la xidhiidha kooxdan la hayo ee ninkan baxsaday ka midka yahay ay sheegayaan in ay ka tirsanaan jireen maamulka xarshimeed isla markaana ay hawlo shuftanimo ah ka wadeen deegaanka Xuduudka oo shacabka aad loogu dhibo.
Si kasta ha ahaatee xukuumadda Somaliland illaa hada wax war ah kamay soo saarin baxsashada ninkan ka tirsanaa kooxdii laga soo qabtay Sayla, mana jirto illaa hada Dacwad loo haysto oo lagu eedeeyey.