Shil Baabuur ,Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Warfaafinta Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Shilal Baabuur Oo Ay Galeen

Shil Baabuur ,Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Warfaafinta Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Shilal Baabuur Oo Ay Galeen
Brok news

Burco(Salaanmedia.com)mar.20.2014- Waxaa Saaka Subaxnimadii Hore Shil-baabuur Galay Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta oo qayb ka ahaa Waftiga Madaxweyne Siilaanyo. waxaana Labada Wasiir soo gaadhay Dhaawacyo aan illaa hada la xaqiijinin.

Wararka Shabakada Salaanmedia soo gaadhaya ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaarada Caafimaadku uu hada miyir doorsoon ku jiro,halka Wasiirka Wasaarada Warfaafintuna uu isna sida oo kale ay gacan wax ka soo gaadheen, waxaaana labada Wasiirba lageeyey Cisbitaalka Magaalada Barbera.

Shilkan Baabuur ayaa saaka dhacay iyaga oo waftiga Madaxweyne Siilaanyo ay wax yar u soo jiraan Magaalada Barbera