“.Siilaayo Maalinta Uu Wakhtigu Ka Dhamaado, Haday Doorasho Dhici Waydo Albaabku Ka Baxayaa,Soo Maanan Riyaale Odhan Jirin Ha Ka Baxo,Isagana Tiibaa Dul Taagan..” Gu:Faysal Cali Waraabe

“.Siilaayo Maalinta Uu Wakhtigu Ka Dhamaado, Haday Doorasho Dhici Waydo Albaabku Ka Baxayaa,Soo Maanan Riyaale Odhan Jirin Ha Ka Baxo,Isagana Tiibaa Dul Taagan..” Gu:Faysal Cali Waraabe

faysal

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.18.2014-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo mudooyinki danbe socdaal dalka dibadiisa ah ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.waxaana uu mar labaad si adag ugu celiyey inaanay ka xisbi ahaan marnaba yeeli doonin in muddo kordhin loo sameeyo xukuumada haatan talada dalka haysa ee Xisbiga KULMIYE.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo warbaahinta ugu waramaayey qolka nasashada Madaarka Hargaysa ayaa waxa uu ugu horeyn ka warbixiyey ujeedada socdaalkiisii uu dalka dibada kaga maqnaa isaga oo sheegay in ay kulamo la soo yeesheen qaar kamida bulshada caalamka kana codsaday in ay sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo Diiwaan galintii Codbixiyeyaasha Doorashooyinka inagu soo foodka leh.
“…Horta anigu waxaan maqnaa ilaa 13-Maalmood,waxaanan soo maray wadamada itoobiya,Kenya Iyo Tansaaniya, socdaalkayguna waxaa uu ahaa inaan la soo kulmo international communityga muhiimaduna waxaa ay ahayd inaan ka raadiyo sida aynu ugu baahanahy sida aynu ugu baahanay Vote-Registration ee diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo baryahan danbe ay sadexda xisbi qaran iyo dawladu ka wada shaqayn jirtay kuna heshiinay in hab loo sameeyo ayaa aniga oo sadexda xisbi afkoodii ku hadlaaya aan tagay dhulkaas markaa waxaan u soo raadinay somaliland micnaha weyn ee ay u leedahay inay doorasho ka dhacdo.iyo dhibaatada ka iman karta haday doorashadu ay dib u dhacdo ayaa ku soo iftiiminaayey go’aankii wasaarada dakhiliga,komishanka iyo sadexda xisbi qaran kala saxeedeena waan u geeyey.markaa waxaan idhi kubadu hadeer xagiinay taalaa iyaguna waa ay noo balan qaadeen inay processki ay bilaabaan..”.Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe
Waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay sida uu u arko in mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada haatan jirta waxaana kamid ahaa hadaladiisii: “..Anigu waa nigii bbc-da ka sheegay siilaayo maalinta uu wakhtigu ka dhamaado haday doorasho dhici waydo albaabku ka baxayaa,soo maanan daahir riyaale odhan jirin ha kabaxdo isagana tiibaa hortaagan,dawlada baa lasamaynayaa ku meel gaadha oo aan kulmiye ahayn oo aan habkay yeelandontan aan sheegi…”
Dhinaca Kale Eng:Faysal Cali Waraabe Waxaa uu sheegay in ay bulshada caalamka ay u sheegeen in somaliland aanay marnaba ogalayn cid ku xad gudubta xuduudaheeda lama taabtaanka ah waxaana uu carabka dhuftay madaxweynaha maamulka puntland uu wado dagaal qabiil kaasi oo uu doonaayo inuu ku baabi’iyo xuduudihii somaliland iyo somaliya

“..Waxaan kale oo aan beesha caalamka aan u sheeganay ninkan imika durbaanka garaacaya ee puntland ee aad moodo inuu doonaayo inuu qabiil uu kiciyo ee maamul gobaleedada la sameeyey halkii uu ka taageeri lahaa odhanaya tolaayey oo ah wixii soomaali baabi’iyey markaa ka somaliland ahaan inaan xaquuq uleenahay inaan dalkayaga aan difaacno oo aan ka yeelayn in uu nin iska sheegto xuduudahayaga oo uu yidhaahdo xuduudihii somaliland iyo somaliyaan baa’bi inayaa halka aan asxaab ahaan iyo dawlad ahaanba aan ka taaganahba waan u so sheeganay..”.Ayuu Yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe