Sir Alex Ferguson Oo Doonayay In 180 Milyan Euros Laga Siiyo Cristiano Ronaldo

Sir Alex Ferguson Oo Doonayay In 180 Milyan Euros Laga Siiyo Cristiano Ronaldo
Rolando

Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayay inuu duldhigo 180 milyan euros madaxa Cristiano Ronaldo markii uu weeraryahanka u dhaqaaqayay Real Madrid.
Ferguson oo u hadlayay majalada reer Portugal ee A Bola ayaa sheegay in loo sheegay inaysan macquul aheyn in Madrid ay ka bixiso lacag intaas la eg Ronaldo.
Laakiin iyadoo Madrid ay haatan lacag rikoorka adduunka ah ku iibsatay Gareth Bale, Ferguson ayaa aaminsan in Los Blancos ay Ronaldo ka bixin laheyd 180 milyan euros haddii ay weydiisan lahaayeen.
“Waxaan u sheegay agaasimihii markaas ee Man United David Gill inuu weydiisto 150 milyan ginni oo u dhiganta 180 milyan euros, waxaana uu ii sheegay inaysan taasi macquul aheyn.
“Waa ay i dhibtaa inaanan markaas lacag badan duldhigin Ronaldo.
“Waxaan weli isweydiiyaa waxa uu ka dhihi lahaa Florentino Perez haddii aan weydiisan laheyn 150 milyan ginni.
“Marka loo fiiriyo in Gareth Bale uu ku dhaqaaqay 85 milyan ginni oo u dhiganta 100 milyan euros, waxaan u rumeysanahay inaan ku heli laheyn Ronaldo inta u dhaxeysa 80 ilaa 150 milyan ginni. Laakiin lacagtii aan weydiisanay waa wax aad looga xumaado.
“Haddii aan ku heli laheyn 150 milyan ginni waxaan ka had-hadli lahaa inta ka dhiman nolosheyda.
“Waxa ay noqon laheyd lacag aad u badan oo aan helno. Cristiano waxa uu ku wareegay ogolaanshaheyga laakiin lacagtii ku habooneyd kuma aanan helin,,

L Q L