Sir Culus: Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubno kale oo Ku hawlan Dibindaabyada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye

Sir Culus: Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubno kale oo Ku hawlan Dibindaabyada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye
good news

Hargeysa (Salaanmedia.com):- Waxaa habeenadii ugu danbeeyay ay ku hawlanaayeen xubno ka soo jeeda beesha madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamuud-Siilanyo, shir-doceedyo gaargaar ah oo ay ku lahaayeen Guriga Wasiirka Madaxtooyada.
Shirarkaas oo ay gadhawadeen ka ahaayeen Wasiirka madaxtooyada iyo Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa sida aanu ila-wadareedyo lagu kalsoon yahay ka soo xiganay oo ku sugnaa goobta shirka.

Waxaana noo sheegeen in xayn wasiiro ah oo ka soo jeedda beesha madaxwaynuhu isku soo hor fadhiisteen si ay u gorfeeyaan xaalada shirwaynaha xisbiga kulmiye.
Kooxdan wasiirada ayaa ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la faragaliyo shirwaynaha xisbiga kulmiye, lana baabiiyo heshiisyadii lala galay ururada sida Xaqsoor, Jamhuuriga, Damal, Dalsan, Umada ,Rays Iyo waliba UDUB.

Sida wararkani sheegayaan wasiirka madaxtooyada ayaa ku andacoonayay in beesha bariga burco aanay ergay badan ku lahayn ururada ku soo biiray xisbiga marka laga reebo, ururka rays, sheegayna inay waajib tahay sidii beeshu u heli lahayd ergayda ugu tirada badan shirwaynaha xisbiga.
Dood kulul oo saacado qaadatay ayaa ugu danbayntii ay kooxdani isla qaateen :-
1- In labaabiiyo/lalaalo dhamaan heshiisyadii lala galay ururadii hadhay
2- In qodobadii ay ansixiyeen gudidada fulinta ee ay ka mid ahayd in ergayda lagu qaybsado codadkii saddexdii doorasho ee ugu danbeeyay lagu badalo hab beeleed, oo beelo wax loo qaybsado.
3- In beelaha lala kulmo oo lagu qanciyo in laga guuray Nidamkii golaha fulintu u codayeeyay ee wax ku qaybsida doorashooyinka
Gabagabadii shirkaas waxa loo saaray gudi ka kooban 4 xubnood oo ay ka mid yihiin:-

1. Wasiirka ciyaaraha Cali raygal
2. Maxamuud xaashi cabdi Wasiirka duulista iyo hawada
3. Xildhibaan Cali mareexaan
4. Cabdikarim Xinif