Socdaalka Siilanyo Iyo kii Ina cigaal kumaray 2001 labadii kun iyo kawdii Halkay Iska Matalaan.

Socdaalka Siilanyo Iyo kii Ina cigaal kumaray 20o1 labadii kun iyo kawdii Halkay Iska Matalaan.
GARAADKA

asalamu calaykum dhaman umada reer somaliland
sigara waxan usalmaya saxafada madaxa banan
waxaan so xasustaay madaxwaynaheni hore ala haw naxariistee maxamed xaji ibrahim cigal tarikhdu markay hayd labadi kun ayaa mucariidku sii aad u xogaan ula hadleen madaxwaynaha oo ku shegeen inanu awood ulahayn manta inu dalka si wado taso aay ku shegeen mucaridki wakhtigasi in madaxwaynaha xanun la soo darsay.
sida daraded waxa uu subaax madaxwaynuhu ka bilabay socdal gobolada galbeedka dhaman marku so wada maray goboladi galbedka ayu tos udhafay subaxi danbe hargaysa waxanu ku wabaristay awr barkhadle iyo dacar budhuq isago socdalkisi siwata waxa uu maray barbara shekh burco caynaba cerigabo maydh kadib marku so labtay waxu qabtay shir jarayid oo u mucaridka kula hadlayay hadalkisi waxa ka mid ahaa ninka leeh madax waynuhu xilka ma hayn karow soo baax oo so diyar garaw dorasho ayan qabanayayee sida daraded waxa uu ku dhawaqay xixbigi udub la odhan jiray mudo yar kadib madaxwaynihi wa uu xanunsaday dhakhtar dabadedna waki u baxay alena hawnaxariste ma so laban ,
waxaay manta iska shabahaan silanyo iyo ina cigal waxay tahay dada iyo gabawga taso mar walba si dicifinaysa kartidi iyo fir firconanti ay lahan jiren labadan masul
sida daraded waxan filaya inu noqon dono socdalka silanyo mid kashifad iyo karti darada haysata manta madaxwayna so sari dona wayo waxaynu ogayn dalka waxi dhib iyo buuq ka dhacay malin qudhana kamu so bixin madaxtoyada sababta ka so sartayna madaxtoyada manta waxa lagu sifayn kara laba shay
1 u jawabiis mucaridka
2 shacabsamaysi u udonayo inu dorasho ku koradhsado

hadi socdalka madaxwaynuhu noqdo hala ikordhiyo waxanu ka xigna gerii mana ogolin in habeen uu ku darsado
balan qadka uu ila saylac kaso bilabay ila lasqoray uu kuso gaba gabeyay wa mid aan waxba ka jiriin
shacabkuna wuu bisladay iminka oo hadal lagu sexinayo way kaso dhamatay dalkuna manta wuxu ubahan yahay wax qaban iyo cadalad
hadii dalka tudhale iyo wax uqabasho jirto maanta madaxwaynuhu lacagta ku baxday safarkisa iyo wasiradisu kadaba qubayaan waxaay dhisi lahaayd dhakhatir badan oo dadka anfici lahayd tuloyinka uu madaxwaynuhu maray hoyoyin badan aya isku dhintay oo an haysayn mel ay ku umulaan lasqoray iyo saylac hadu ku cawin laha lacagta safarkisa ku baxday waxqabad ayay noqon lahayd lakin hadal iyo sigo ayay u gaysteen iyo balan qad aan fuli donin
ugu danbanti waxaan ku matalaya nin hurdo kaso kacaay oo wasiradisu so tosiyeen kuna bararujiyen in dorasho hadu qabto dalka laga qadayo sida daradedna uu hada toso sanadna korodhsado olelena bilabo wana arin iska caad safarka madaxwaynuhu maha mid dacad ah o ukurkalayo dadka iyo dalku dhibta u qabo afar sano aya ku dhamaday maxu hore ugu xasusan wayay hadi cadaladi jirto iyo udamqasho
waxanu ka dhur sugayna saleban gal iyo silanyo faqoda ku adan kordhiska hadi taa laga bad bado talku waxu gali dona udiyar garawga citiraf radinta wayo calamku mar walba waxa uu inagu xasusuta waxay tahay dorashada iyo dimu quradiyada hadi ta somaliland laga wayo way ino dhamatay calamkuna wu inaga lexinaya ishisa uu inagu ego
Garaad Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi