Steven Gerrard: Waan Ku Guuleysan Karnaa Horyaalka

Steven Gerrard: Waan Ku Guuleysan Karnaa Horyaalka
DDDD

Steven Gerrard oo ka caawiyay kooxdiisa Liverpool inay soo gasho kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ayaa yiri: Waan ku guuleysan karnaa horyaalka.
Safar ay ku tagayaan Manchester United 16ka March ayaa ah kulankooda u soo horeeya, waxaana Gerrard uu aaminsan tahay inay kooxdiisa koobka horyaalka hanan karto garaa ahaan haddii ay ku badiyeen Old Trafford.
Waxa uu yiri sida ay qortay The Sun: “Waxaan dirnay fariin. Arsenal waa guuldareysatay anagana waan badinay, waana hubaa in dad badan oo Premier League ku xeeran inay indhaha nagu hayaan sababtoo ah kama qeybgaleyno tartamada Yurub, kulan kastana waan caaboonahay.
“Waxaa hartay 10 kulan, hubaashiina tartanka horyaalka waan ku jirnaa laakiin waa inaan isdejino.” ayuu yiri kabtan Gerrard kaasoo dhaliyay rigoore xilli danbe ka dib goolashii Luis Suarez iyo Raheem Sterling.
Laakiin tababare Brendan Rodgers ayaan dooneynin in ciyaartoydiisa ay ka fekeraan hanashada horyaalka.