Suldaan Badda-Cas Oo Booliiska Ceerigaabo Xidheen

Suldaan Badda-Cas Oo Booliiska Ceerigaabo Xidheen

BADA CAS

Suldaan Badda-Cas Oo Booliiska Ceerigaabo Xidheen.
Ceerigaabo(Salaanmedia.com) Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi (Badda cas) oo ka mid ah salaadiinta beelaha Ceerigaabo ayaa subaxnimadii saaka waxa boliisku ka qabteen gudaha xarunta maammulka gobolka Sanaag waxana loo taxaabay dhinaca xabsiga dhexe ee Ceerigaabo halkaas oo uu imminka ku xidhan yahay suldaankaasi.

Xadhigga suldaankan oo hore guddida nabadgelyada gobolka Sanaag go’aan kusoo saareen haseyeeshee suldaankani ka fakaday gacanta boliiska ayaa ah mid ka dhashay kaddib markii uu ka warwareegey soo qabashada nin dhallinyaro uu adeer u yahay oo horraantii bishan suuqa Ceerigaabo rasaas la beegsaday nin ganacsade ah kaasoo la sheegayo qoriga uu sitey ee rasaasta ka riday inuu suldaankani iska leeyahay
Waxana muuqata in boliisku ku guulaysteen baadidoonkoodii la xidhiidhayey raacdada fakashada hore ee suldaankan waxana la filayaa in hay’adaha sharciga la hor geyn doono suldaankan Halka ninkii dhaawaca geystey oo la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Ceerigaabo isagana boliisku baadi goobkiisa ku jiraan.