Taliska Booliska Somaliland Oo Qiray Inuu Ka Baxsaday Eedaysane Loo Hayay Hub Lagu Xidhiidhiyay ONLF Oo La Qabtay

Taliska Booliska Somaliland Oo Qiray Inuu Ka Baxsaday Eedaysane Loo Hayay Hub Lagu Xidhiidhiyay ONLF Oo La Qabtay

Police

Taliska Booliska Somaliland Oo Qiray Inuu Ka Baxsaday Eedaysane Loo Hayay Hub Lagu Xidhiidhiyay ONLF Oo La Qabtay.

Hargeysa,(Salaanmedia.com) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Liibaan (Fooxle), ayaa qiray inuu fakaday mid ka mid ah sideed nin oo laba jeer oo kala duwan loo qabtay Hub la sheegay in lagu aasay deegaanka Sayla Koonfur galbeed ee Hargeysa.

Eedaysanahan baxsaday oo la wariyay inuu ka mid ahaa madaxda magaaladda Xarshin ee ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa doraad ka baxsaday Saldhiga dhexe ee booliska Magaaladda Hargeysa.

Taliye xigeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in arrintaasi jirto. Islamarkaana ay baadhayaan siday wax u dheceen. Ugu horeyn waxaa uu ka hadlay qaabka raggan loo qabtay, isaga oo tilmaamay in marka hore ciidanku qabtay saddex nin oo ONLF ah. “Dhinac waxay ahaayeen…Shan ruux oo uu ku jiro nin ONLF ahi, dhinacna waxay ahaayeen Saddex ka soo galay ONLF,kuwaas sadexda ah waxaanu ku qabanay xadka Somaliland la leedahay Ethiopia.” Ayuu yidhi. Taliye Fooxle waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Maalin ayaa u dhaxaysay qabashadoodda. Markii aanu 3-nin qabanay ee aanu warkoodda helay ayaa la yidhi halkii aad raga hore ka qabateen nimanbaa joogga. Dabadeedna ciidanka ayaanu amaray oo soo qabtay.” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.

Su’aal la xidhiidhay baxsiga ninkan oo la wariyay inuu ahaa maayarka Xarshin, kuna jiray shanta nin ee danbe ee lagu qabtay halka saddexda nin ee hore iyo Hub tiradiisu dhantahay 600 oo xabadood oo Rasaasta ka dhacda Qoriga AK47 iyo 1000 xabbo oo rasaasta BKM ah, lagu qabtay ayaa waxaa uu yidhi. “Horta, marka hore maayarku xadka ayuu ka soo gudbay oo dalka ayuu hore u soo galay. Maayarkaasi, Ciidanka Booliska ayaa ku soo qabtay isaga oo xadkeena soo galay…baxsashadanina waxaa weeye…aniga iyo taliyuhuba waxaanu hore amar ugu bixinay meel gudaha ah ayuu ku xidhnaa..Dabadeed xanuun baa lagu sheegay, markaa ka dibna dhakhtar ayaa la geeyay laba sadex jeer oo isku xigta…halkii aanu amarka ku bixinay in lagu xidho laguma xidhin.meel shabag ah oo dusha lagaga qufulo ayaa la keenay..sababo jiray oo caafimaad owgeed, ka dibna shalay (Doraad) oo ay ciidamadu hawlgal badan ku jireen oo ay soo qabqabteen kooxo ciyaal ah oo kuwan is ereryada ee magaalada yaacyaaca ah..ayaa markii iyaga xabsiga la gelinayay ee la xaraynayay ee ay is daba yaacayeen ayaa la leeyahay wuu ka baxay meesha. Markaanu taliyihii qaybta iyo taliyihii saldhigaba waraysanay waxay noo sheegeen in uu ku baxay dadkaas baxayay oo uu dhex raacay..gaadhbaa had iyo jeer gudaha u saran saldhigyada oo dhan. Arrintan baxsashadiisuna baadhis ayay ku jirtaa oo waa la waddaa hadday noqoto dayacaad sida ay immika noogu muuqato ka timid ciidankii ilaalinayay oo aanu u aragno inay iyagu dayaceen. Hadday baadhistu markay dhamaato sidaas noqoto, markaas ayaa talis ahaan aanu masuuliyadda iyo waajibka na saaran ka gudanaynaa haddii ilaahay ka dhigo. Haddii ay Askarta ku cadaato iyagga ayaa maxkamada ah, waa intaas uun dhacdadan dhacday….” Ayuu yidhi.

Waxaanu weydiinay waxaa uu ku eedaysnaa waxaana uu yidhi. “Wuxu soo galay xadka Somaliland, gaar ahaan Sayla ayaa lanoogu soo sheegay inuu marayay. Dabadeed ciidanka Bali-gubadle ayaanu ku amaray inay nimanka halkaas maraya soo qabtaan ciidankaas ayaa soo qabtay oo keenay dabadeed,”

Wararka qaar ayaa ku tuhmaya inay qayb ka ahaayeen qolo Hub ku aasatay Sayla Barri oo ay baabuur wateen… ayaa la sii weydiiyay taliyaha waxaana uu yidhi. “Gaadhi weyn waa ay wateen, waxaana ay nimankani u yimaadeen inay halkaas ay wax ku aaseen kala baxaan. Waa markaas marka ciidanku soo qabtay.sidaas ayaa lagu soo qabtay oo lagu soo xidhay…”

Haddana waxaa Taliyaha aanu sii weydiinay su’aal u dhignayd. Ma idiin sheegeen inay wax xidhiidh ah leeyihiin ONLF…waxaana uu yidhi. “Maya..namankani. waxay ahaayeen nimankii aanu qoraalka ka qoray ee sheegay inay ka tirsan-yihiin ciidanka ama maamulka Xarshin… Markaa, fikirka aanu ka haysano halkan ka faahfaahin maayo ee marka ay baadhistu dhamaato ayaanu sheegi haddii Ilaahay ka dhigo…” Ayuu yidhi, waxanaa uu ku dooday in aanay saameyn badan yeelanayn baxsashadiisu, waxaana uu yidhi. “Horta kaligii muu ahayne 7 ayaa meesha ku xidhan oo iyagana la soo qabtay…dee nin uubaana ka fakatay. Ninkanina sidii uu ku baxsaday iyo habka ama waxaa u fududeeyay baadhis ayaa ku socota…isagu hadii uu baxsadayna tagba. Cidiise waajibaadka lahayd iyo ilaalintiisa ayaa masuuliyadeeda leh oo lagala xisaabtamayaa …”

Hubka aad ku soo qabteen intuu ahaa..? ayaa la weydiiyay mar kale taliyaha, waxaana uu yidhi. “600 oo xabo oo rasaasta AK-ga ah iyo kun BKM-ka rasaastiisa ah intaas ayay ahayd waxaa lagu qabtay…Waxaananu aaminsanahay in ay dalkooda is kala yimaadeen oo ay iyagu ujeedo ka lahaayeen. Laakiin, wax dalkeena uga tagay ama ka socday ma ay ahayn…laakiin, wixii ay saameyn leedahay waxaanu doonaynaa in aanu mar gaar ah ka wadda hadalo. Wax badan ayaa iska jira oo aad moodo in xidhiidhka lagu xumaynayo.balse taa mar gaar ah ayaanu ka hadli doonaa. wax Somaliland laga qaaday oo meesha lagu aasayna uma aragno. Laakiin, qorshahani in xidhiidhka lagu xumeeyo haddii ay tahay waanagan anagu ciidan ahaan ka hawl-galay ee hubkii iyo ragiiba isku qabanay. Waxaananu u aragnaa in ujeedadii laga lahaa fashilantay oo la doonayay in cid loo geeyo oo la yidhaa halkan ayaa laga wadday. Si wanaagsan ayaanay ciidanku ugu guulaysteen.”

Taliyuhu waxaa uu intaas ku daray in ragan maxkamadda la geeyay, waxaana uu isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi. “Rumaan ayay ahaayeen oo Maxkamadda waa la horgeeyay…waxaana ay xabsiga ku jireen ilaa 20 cisho kama badna., sharciga ayuunbaana la marinayaa oo maxkamad ayaa la horgeynayaa..” “Ka wax kale sheegayaa isaga ayaad waraysan. Sow taliyihii ma ihi ku xigeenkiisii iyo ku simihii taliyaha. Ninka qoraalka ka sameeyay ee waraysanayayna aniga ayuu ahaa. Shan meel ah iyo saddexda meesha ah ayay ahaayeen dadku. Rasaastuna waa intaas aan kuu sheegay.” Ayuu yidhi mar uu ka hadlayay su’aal la xidhiidhnay in hubka lagu qabtay ka badnaa inta uu sheegay. Waxana uu tilmaamay oo uu yidhi mar aanu weydiinay waqtiga uu baxsaday ninkani. “Xalay (Habeen hoire) fiidkii markii ay halkan Goljano wax ka dhacdhacayeen ee ciidamadu ay culayska saareen. Halkaas. Shantii iyo badhkii ilaa lixdii bay ahayd sida Taliyaha Saldhigu noo sheegay.”

Xigasho Wargeyska Saxafi.