TARTANKA CAALAMIGA AH EE NUS MAARATOONKA OO KA DHACAY DALKA JABUUTI IYO OROD-YAHANKA REER JABUUTI MUUMIN GEELLE BOQORE OO WACDARO KA DHIGAY.

TARTANKA CAALAMIGA AH EE NUS MAARATOONKA OO KA DHACAY DALKA JABUUTI IYO OROD-YAHANKA REER JABUUTI MUUMIN GEELLE BOQORE OO WACDARO KA DHIGAY.
TARTANKA

Jabuuti(Salaanmedia.com)_Waxa Shalay Galinkii dambe magaalo madaxda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhacay tartanka caalamiga ah ee dhinaca orodka nus maaratoonka (Semi Marthon) kaasi oo sanad walba ka dhacay dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti,munaasibad ballaadhan oo lagu furayey tartankan oo muddo qaban qaabadiisu ka socotay Djibuuti waxa furay oo siidhiga u afuufay Raysal Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed,oo uu weheliyo wasiirka dhinaca dhalinta iyo ciyaaraha Jabuuti Baluul Xasan Baluul….
Tartankan Orodka ee nus maratoonka oo ah kii 18-aad ee ka dhaca dalkan Jabuuti isla markana sanadkasta wakhtigan oo kale ka dhaca dalkan ayaa waxa ku tartamayey ilaa 20 Wadan,oo kala ah Jabuuti,Somaliland,Somaliya,Kenaya,Yemen Tanzania,MarocoSudan,Masar iyo kuwo kale,isla…
markaana ku tartamayey 21 kilomitir.
Ciyaaryahanada ka qayb-qaadanayey orodkan ayaa isla markii uu bilaabmayba waxa isla goostay oo qadaro aan kala fogayn kala horeeyay dhawar ciyaaryahan oo uu ka mid yahay ciyaaryahan Reer Jabuuti ee Muumin Geele Boqore iyo mr Patrick oo ku ordayey Calanka Dalka Kenya kaasi oo oo ilaa 15 kilomitir ee u horeeyay hogaaminayey orodka halka kaalinta labaadna uu ku jiray Muumin Geelle oo reer Jabuuti ah,balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa ay u suurto gashay Muumin Geelle in uu dhaafo ninkii Kenyanka ahaa,isaga oo dhiiri galin ka helayey shacab waynihiisa oo meelkasta oo uu ordayey ku qaylinayey Magaciisa isla markaana gacanta ka galinayey calanka Jamhuuriyadda Jabuuti,waxaana sidaasi ku galay kaalinta koowaad Dalka Jabuuti oo uu guushaasina u soo hooyey orodyahanka Muumin Geelle Boqore oo isagu sanadihii horena sidan oo kale guulo u soo hooyey Dalkiisa,waxa kaalinta labaad soo galay mr Patrick oo u ordayey Kenya halka kaalinta saddexaadna uu galay orodyahan u ordayey Tanzania,waxaana inta badan kaalmaha ka hooseeya oo dhan galay ciyaartoy reer Jabuuti ah. Gaba-gabadii waxa isla bartii laga furay tartankaasi lagu abaalmariyey orodyahanadaasi kaalmaha hore soo galay iyadoo koobkiina halkaasi lagu gudoonsiiyey orodyahan reer Jabuuti ee Muumin Geelle Boqore oo ka tirsan Ciidanka Jamhuuriga. Isku soo wada duub oo kala Jabuuti ayaa aad moodaa in uu hada guulo waaweyn ka soo hooynayo iyada oo maalintii Khamiistiina si heer sare ah Dalka loogu soo dhaweeyay orodyahanka kale ee isna Reer Jabuuti Ayaanle Saleebaan oo ku soo guulaystay kaalinta koowaadna ka soo galay orod Caalami ah oo dalka dibadiisa ka dhacay,isla markaana uu madaxwaynaha Jabuuti md Ismaaciil Cumar Geelle gacanta ka galiyey furaha baabuur nooca qaaliga ah oo ku dhaari galinayo madaxwaynuhu guusha uu Dalkiisa u soo hooyay……….