Thiago Alcantara Oo Seegi Doona Kulanka Man United Iyo Bayern Munich

Thiago Alcantara Oo Seegi Doona Kulanka Man United Iyo Bayern Munich

THIGO

Thiago Alcantara ayaa seegi doona kulanka wareega 8da Champions League ee ay Bayern Munich wajaheyso kooxda Manchester United ka dib dhaawac soo gaaray.
Xiddiga reer Spain ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqadii 25aad ee kulankii Bundesliga ee maanta ee ay kooxdiisa la ciyaartay Hoffenheim, waxaana haatan la xaqiijiyay in xiddigii hore ee Barcelona uu garoomada ka maqnaan doono lix ilaa sideed isbuuc.
“Thiago Alcantara waxaa looga cabsi qabaa in jeex uu ka galay seedka jilibkiisa” ayaa lagu yiri bogga Twitter ee Bayern Munich.
Maalin niyadjab ayay u aheyd Bayern Munich iyagoo arkay in 19kii kulan ee isku xigtay ee ay badiyeen Bundesliga in la soo gabagabeeyay ka dib markii ay barbaro 3-3 la galeen Hoffenheim oo marti ku aheyd Allainz Arena.
Si kastaba, tababare Pep Guardiola ayaa nasasiiyay xiddigo badan ka hor kulanka habeenka talaadada ee ay United kula ciyaarayaan Old Trafford