Waashmaan Soo Celiyey Dahab Gaadhaya 100,000 Dollar Markii Uu Ka Dhex Helay Xashiish

Waashmaan Soo Celiyey Dahab Gaadhaya 100,000 Dollar Markii Uu Ka Dhex Helay Xashiish

Waashman

Nin watchman ah una dhashay dalkaasi Masar ayaa helay sanduuq ayku jiraan dahab qiimihiisu lagu qiyaasay 100,000 oo doolar oo uu ka dhex helay xashiish dhexdii,kadibna ku celiyey sanduuqii ayku jireen dahabka qofkii lahaa diidayna inla siiyo abaalmarin,isagoo sheegay inuu ilaahay ka doonayo abaalmarin,sida uu sheegay wargays kasoo baxa dalkaasi Masar.
Mohammed, oo watchman ka ah dhisme weyn oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kuwait,ayaa xashiish ku daadinayey dibadda hore isagoo kasoo ururiyey fooqa xashiishka kuna shubay halka lagu shubo xashiishka kadibna uuka helay sanduuqan ayku jiraan dahabka,ayuu ku daray wargayska maalin laha ee la yidhaah Al Rai.
Markii uu furay sanduuqiina,wuxuu ka dhex helay dahab qiimihiisu gaadhayo 100,000 oo doolar wuxuuna go’aan ku gaadhay inuu ku celiyo hantidani qofkii lahaa, ayuu raaciyey wargaysku.
“wuxuu ku qoray warqad yar inuu helay wax qaali ah kuna dhejiyey warqadii albaabka laga soo galo dhismahaasi,” ayuu sheegay wargaysku.
“watchman kii wuxuu shuruud kaga dhigay cidii sheeganaysa inay leedahay alaabtaasi ay sheegto waxa ay ahaayeen inta uusan u celinin.
“nin maqsin ka kireystay fooqaasi ayaa sheegay alaabta waxa ay ahaayeen si sax ah kadibna u sheegay in boqolkiiba toban qiimaha dahabkaasi uu siinayo isaga laakiin wa uu diiday watchman kii, isagoo u sheegay inuu ilaahay kaliya uuka doonayo abaalmarin.”