Wadaado Ka Soo Hor Jeestay Gudniinka Fircooniga ah Burburiyayna Bodhadhkii Wacyi Galinata Gudniinka Fircooniga Ah Oo Ku Yaalay Wadooyinka.

Wadaado Ka Soo Hor Jeestay Gudniinka Fircooniga ah Burburiyayna Bodhadhkii Wacyi Galinata Gudniinka Fircooniga Ah Oo Ku Yaalay Wadooyinka.

GOOD NEWS

Burco(Salaanmedia.com) Wadaadada Ictisaamka ayaa maanta salaadii jimce Masaajidada ay gacanta ku hayaan ee magaalada Burco ku weeraray Boodhadh lagaga hadlayo gudniinka fircooniga ah, kuwaas oo ay soo ansixisay wasaarada caafimaadka oo u xil saaran fariimaha loo

gudbinayo dadwaynaha ee ku saabsan caafimaadka, sidoo kale Boodhadhkan ayaa waxaa ku qoraa halku dhegyo ay ka mid ahaayeen ‘Shaqaaalaha Caafimaadku waa muraayadii caafimaadka Bulshada’ iyo ‘ha samaynina Gudniinka hablaha wuxuu curyaaminayaa Caafimaadka Hablaheena’
waxaana iska kaashaday Hay’ada UNFPA, Somaliland Nursing &Midwifery Association iyo waliba wasaarada caafimaadka oo ay calaamadoodu hoosta kaga xardhanayd.
Wadaadada saaka ka hadlay Masaajidada ayaa waxay dadwaynihii ku tukanayay ku wacyi galiyeen inay Boodhadkaas ku dareeraan, taasina waxay keentay in dadkii shicibka ahaa ay qaar ka mid ah Boodhadkii Burburiyaan.
Lama garanayo waxa keenay inay Masaajidada cida fariinta gaadhsiisay iyadoo aanay wasaarada iyo ciidamada nabadgelyadu aanay arintan gaadhin. Dhanka kale Isuduwaa wasaarada caafimaadka Gobolka Togdheer oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaanay noo suurtoobin