Wafti Ka Socda Baarlamaanka Oo Socdaal Ugu Kicitimay Gobollada Saaxil Iyo Togdheer, Una Qaaday Waraaqaha (copy-yada) In Ka Badan 30 Xeer Oo Dhaqan Gal Ah

Wafti Ka Socda Baarlamaanka Oo Socdaal Ugu Kicitimay Gobollada Saaxil Iyo Togdheer, Una Qaaday Waraaqaha (copy-yada) In Ka Badan 30 Xeer Oo Dhaqan Gal Ah
WAFI BAARLAMA

Berbera(Salaanmedia.com) – Guddida joogtada golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay u kicitimay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo ujeedada socdaalkoodu uu salka ku hayo xafiisyo golahooda Baarlamaanku ka furan doono gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuwaas oo loogu talo-galay in shacbiga ku dhaqan gobollada dalku ay xarumahaasi ka heli doonaan xeerarka iyo shuruucda golaha Wakiiladu ay ansixiyeen

Gudoomiyaha guddida joogtada golaha Wakiilada Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo shalay subax intaanu weftigoodu ka amba-bixin caasimada xarunta golaha Wakiilada ugu waramay qaar warbaahinta ka mid ah ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho sidii xadhiga ay uga jari lahaayeen xafiisyo Baarlamaanku ka hirgeliyay gobollada Saaxil iyo Togdheer oo uu tilmaamay in xafiisyadaasi qalabkii loo dhamaystiray iyo hawlwadeenadii ka hawlgali lahaa.
sagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ujeedada socdalkayaga Baarlamaanku waxa uu ku wajahan yahay gobollada Saaxil iyo Togdheer oo aanu ka soo furanayno xafiisyo Baarlamaanku ku yeelan doono magaalooyinka berbera iyo Burco, kuwaas oo qalabkoodii iyo hawlwadaneedii ka hawlgali lahaaba la dhamastiray. Waxaananu u sidnaa xafiisyada labadaa gobol in ka badan 30 xeer oo loogu talagalay in shacbigu ay kala socdaan shuruucda dhaqan galka ah, socdaalkayagan ugu horeeyana waxa uu ku wajahan yahay magaalada Berbera, intaa ka dibna waxaanu uga sii gudbi doonaa magaalada Burco”

Xildhibaan Buubaa oo aanu wax ka waydiinay sababta gobollada Sanaag iyo Sool looga hirgelin waayay xafiisyada Baarlamaanku ka furanayo gobollada dalka maadaama ay horeba magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ay uga fureen, waxa uu yidhi “Ceerigaabo iyo Laascaanoodba qorshaha way ku jirtaa, balse iyaga xilligan diyaar maaha xafiisyadoodii oo looma qalabayn hadase socdaalkani waa mid ku wajahan Saaxil iyo Togdheer”

Salaanmedia/Hargaysa