Wafti Wasiiro Ah Oo U Ambabaxay Sheffield,Si Ay Goob-Joog Uga Nodaan Golaha Deegaanka Ee Sheffeild Oo Somaliland Ictiraafaya

Wafti Wasiiro Ah Oo U Ambabaxay Sheffield,Si Ay Goob-Joog Uga Nodaan Golaha Deegaanka Ee Sheffeild Oo Somaliland Ictiraafaya

SHIFEEL

Hargeysa(Salaanmedia.com)Mar.30.2014-Sida ay ilo xog-ogaal ahi uxaqiijiyeen shabakada ramaasnews ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo maanta dalka ka dhofey uu ka qaybgalaayo ilsa mar ahaantaan uu goob joogna ka noqonayo cod u qaadista Golaha Deegaanka ee Magalada Shaffeild ay maalinta arbacada u codaynaya in ay ictiraafaan Somaliland.

Waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Madaxweyne Siilaanyo uu u saarey qaar kamida Wasiiradiisu inay goob joog ka ahaadaan ku dhawaaqista ictiraafka Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada oo isaguna ku sugan dalka Austrailia aya isna waxaa uu qayb ka yahay gudida uu madaxweyne siilaanyo u saaray inay ka qayb galaan ku dhawaaqista ictiraafka somaliland, waxaan lafilayaa inuu isna uu u dhoofo dalka ingiriiska.

L Q L