Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayo Wasiir Xirsi Oo Soo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer+Ujeedada Socdaalkooda

Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayo Wasiir Xirsi Oo Soo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer+Ujeedada Socdaalkooda

Xirsi Iyo Wasiiro

Burco(Salaanmedia.com)Mar.27.2014-Waftigan uu Wasiir Xirsi Hor-ka caayo Ayaa waxaa ku wahelinaaya Wasiirka Madaxtooyada Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Dib Udejinta,Wasiirka Beeraha,Wasiir Dawlaha Maaliyada,Wasiiru Dawlaha Waxbarshada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka,Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Degmada Burco iyo madaxkaloo aad u tiro badan.

Waftigan Oo saaka ka ambabaxay magaalada Burco ayaa ku wajahnaa War-Cimraan Oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada Gobalka Togdheer.

Ujeeda Safarka Wasiirka Madaxtooyada ,Raxanta Wasiirada Iyo Xildhibaano isugu jira ayaa waxa uu ku qotamaa sidii Mashaariico Horumarineed loo dhagax dhigi lahaa, sidoo kalena loo furi lahaa Mashaariico laga hiraliyey degaanada ku teedsan gobolka Togdheer.
Qaar kamida burjuwaasiinta Wasiir Xirsi oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga ogaano safarkan ayaa waxaa ay noo shegeen in socdaalka Wasiiradani ku qotomo u kuur galida Xaaladaha Degaamadan iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa mashariico ay ugu muhiimsan yihiin Xarunta Xanaanada Xoolaha ee Warcimraan iyo meelo kale.

Waxaa sida oo kale ay ilo wareedyadu noo sheegeen in Mashaariicda ay dhagax dhigeen ay ka mid ahaa Xarunta Ciidamada Asluubta, Xarunta Waxbarshada,Xarun Caafimaad oo Loogu Adego Bulshada Reer Warcimraan, Xanaada Xoolaha, Cadaalada iyo Mashariic kale.

Si Kastaba ha Ahaatee Masuuliyiintan Tirada Badan Ayaa Noqonaaya Kuwii Ugu Horeeyey ee Booqda Degaanka Warcimraan Ayadoona Goobtaasi ay shacabka ku sugani ahaayeen kuwa ay ka Muuqatay Hididiilo iyo Hamuum ay u qabaan Wasiiradan tirada badan ee soo booqday.

Salaanmedia/Burco