Waftigii Uu Hogaaminaayey Madaxweyne Siilaanyo Oo Hada Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa,Iyo Soo Dhaweyn La’aanta Uu La Kulmay+Sawiro

Waftigii Uu Hogaaminaayey Madaxweyne Siilaanyo Oo Hada Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa,Iyo Soo Dhaweyn La’aanta Uu La Kulmay+Sawiro
Waftidii Har 6

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.20.2014-Waftigii.uu.hogaaminaayey Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland ee socdaalka ku maraayey Gobalada Dalka ayaa hada soo gaadhay Magaalada Hargaysa.

Waftidii Har 5

Waftiga Madaxweynaha oo la filaayey in si heer-sare ah loogu oo dhaweeyo Magaalada Hargaysa oo Maalmihii udanbaysay aqaban qaabo ka wadeen Guul Wadayaasha Xukuumadiisu sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen,ayaa hadana waxaa ay u muuqatay mid ka bariiqatay,in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo Magaalada Hargaysa,waxaaana aad agagaarka wadooyinka aad ku arkaysay dad aan tiradoodu badnayn oo Madaxweynaha Mashxarad iyo Sacab ku soo dhaweeyey.
WAF HAR

Lama garanaayo waxa ku dhacay abaabulkii balaadhanaa ee Madaxda Gobalka iyo Dawlada Hooseba ay ugu diyaar garoobayeen soo dhaweynta Madaxweynaha.
Waftidii Har 4

Waxaa sida oo kale Waftiga Madaxweynaha ayaa ka hor imaatinkiisa Magaalada Hargaysa,waxaa gabi ahaanba la joojiyey isu socodka gaadiidka mara Wadada Halbowlaha ah ee Magaalada Hargaysa ee isku xidha ilaa shiraaqle hotel oo ku yaala xaafada New Hargaysa ilaa inta laga gaadhayo Madaxtooyada aanad mar qudha ku arkayn wax gaadhi ah oo socda.

Waftidii Har 5

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Wasiirka wasaarada warfaafinta ayaa waxaa lagaga yimi magaalada Barbera kadib markii ay shil baabuur ku galeen magaalada huduse ee gobalka saaxil,waxaana halkaasi lagu siinayaa adeega caafimaad