“Wali Ma Hayno Meel Lagu Naafeeyay Al-Shabaab Iyo Hubkoodii Iyo Guutooyinkoodii, Waxaana Suurogal Ah”Gudoomiye Muuse Biixi

“Wali Ma Hayno Meel Lagu Naafeeyay Al-Shabaab Iyo Hubkoodii Iyo Guutooyinkoodii, Waxaana Suurogal Ah”Gudoomiye Muuse Biixi
muuse

Hargeysa, 23 March 2014 (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalada xarakada Al-shabaab ka wado Dalka Somalia, waxaanu ku baaqay in dalalka mandaqadu ay ka digtoonaadaan halista kooxdaasi. Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in doorashadu xiligeedii ku dhacdo oo aan looga shakiyin in ay dib u dhacdo. Guddoomiye Muuse Biixi oo habeen hore u warramayay TV-ga Horn Cable, waxa uu ku dooday in xisbigoodu yahay mid waayo-arrag ah oo 12 sanadood soo jiray isla markaana aan ka cabsi qabin in lagaga adkaado doorashooyinka dalka ka dhici doona. Guddoomiye waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dalalka Geeska Afrika ay ka digtoonaadaan khatarka kooxda Al-shabaab, waxaanu dawladda Jabuuti ka tacsiyadeeyay askar ka tirsan ciidamadooda oo ku dhintay Soomaaliya, waxaanu yidhi “Wali ma hayno meel lagu naafeeyay Al-Shabaab iyo hubkoodii iyo guutooyinkoodii, waxaanay isticmaalayaan marka ay arkaan in ciidan iyo hub badani ku soo socdaan ay hubkoodii qariyaan ciidamadana dharka ka badalayaan, waxaana suurogal ah in kolba meeshii culays laga saaro ay ka tagaan. Guud ahaan Geeska Afrika waxaanu Illaahay uga baryayaa in nabad-gelyo ku soo celiyo, waxaanu tacsi u diraynaa dadka dagaaladaa ku dhintay ee ay ka mid yihiin ciidamada walaalaheenna reer Jibuuti.Xukuumadeena iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka digtoonaadaan khataraha kooxdaas” ayuu yidhi Muuse Biixi Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa cadeeyay in xisbigaasi uu diyaar u yahay in doorashadu xilligeeda ku dhacdo waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna maaha macnaheedu annaga xukuumad baanu nahay oo dadkaanu jidh jiidhaynaa ee waxaa weeye annagu waxaanu nahay xisbi weyn oo jiray 12 sano, shacbigana kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa, shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaanu qabnaa in aanu qancin doono, waxaanu nahay dad doorashada yaqaana wax dhulka naga yaalaana ma jiraan diyaar baanu u nahay doorashada.” Guddoomiye Muuse Biixi oo wax laga waydiiyay asbaabaha dib u dhigay dhawr jeer shirweynihii saddexaad ee xisbigaas, waxa uu yidhi “Wax dib u dhac la yidhaa ma jiro, waxa gabo-gabo ku dhow ergooyinkii Haddii ALLE yidhaahdo maalmaha soo socda ay soo dhamaadaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga…..

Ogaal Xigasho