WAR DEG DEG AH: AGAASIMIHII HORE EE QORSHAYNTA DHULKA EE DAWLADA HOOSE EE HARGAYSA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DILL OO AY LA BEEGSADEEN DABLAY HUBAYSANI.

WAR DEG DEG AH: AGAASIMIHII HORE EE QORSHAYNTA DHULKA EE DAWLADA HOOSE EE HARGAYSA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DILL OO AY LA BEEGSADEEN DABLAY HUBAYSANI.

Brok news

Hargays(Salaanmedia.com) agaasimihii hore ee qorshaynta dhulka ee dawlda hoose Cabdilaahi aw Cali Axmed (Ubax) ayaa sheegay inuu kabad baaday isku day dil uu sheegay inay ula badheedheen dablay hubaysan oo u gashay meel wax yar ujirta gurigiisa.
Iskudaygan dil oo dhacay sagaalkii habeenime ee caawa ayaa waxa uu sheegay inuu kabad baaday marka laga reebo gaadhigii uu watay oo ay xabadii lagau soo riday muraayada hore ka jabisay.

Cabdilaahi aw Cali Axmed (Ubax) Ayaa Sheegay oo lasoo xidhiidhay Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa in kastoo oo aanu magacyadooda sheegin isku daygan dil eel lala beegsaday ku eedeeyay inay ka dambeeyaan shan (5) xubnood oo katirsan golaha deegaanka caasimada Hargaysa.
Cabdilaahi Ubax ayaa dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay iska casilay
xilkii uu kahayay Dawlada hoose ee caasimada Hargaysa ,kadib markii uu xubno katirsan golaha deegaanka ku eedeeyay inuu kawadi kari waayay hawshiisii, kuwaas oo uu sheegay inaanay aqoon buuxda ulahayn xilka loodoortay.
Inkastoo la xaliyay khilaafkii udhaxeeyay wasaarada hawlaha guud iyo golaha deegaanka ee caasimada hadana xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa ayaa shirjaraa’id oo ay qabteen intii uu khilaafkaasi jiray Cabdilaahi Ubax ku eedeeyay in uu yahay bu’da khilaafka soo kala dhex galay laba Hay’adood.

Cadbilaahi Ubax ayaa u sheegay Warbaahinta qaar ka mid ah in uu gaaadhigii uu watay lageeyay saldhiga ciidamada C.I.D, halka gurigiisana ay ku suganyihiin ciidamo boolis ah ku waas oo baadhaya sidy wax udheceen .

Dablaydii rasaasta furtay ayuu sheegay in ay goobta ka baxsadeen ku waas oo aan lagaranayn halka ay jaan iyo cidhib dhigeen
Isku daygan dil ee uu caawa ka badbaaday Agaasimihii hore ee qorshaynta dhulka ee dawlda hoose Cabdilaahi aw Cali Axmed (Ubax) ayaa noqonaya kii afraad ee lala beegsado mid kamida rukumada bulshada Somaliland intii uu talada dalka hayay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).