Wasaaradda Caafimaaddka S/land Oo Tafaasiil Ka Bixisay Tirakoobka Shaqaalaha Iyo Xarumaha Caafimaadka Ee Dalka

Wasaaradda Caafimaaddka S/land Oo Tafaasiil Ka Bixisay Tirakoobka Shaqaalaha Iyo Xarumaha Caafimaadka Ee Dalka
Xaglo Toosiye

Hargeysa, March 16, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasaaradda Caafimaaddka Somaliland ayaa sheegtay in dhawaan uu si rasmi ah u bilaabmayo qorshe lagu tirokoobayo shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha kala duwan ee bixiya adeegyadda caafimaadka oo todobaadkii u danbeeyey uu tababar ku saabsan qaabka loo sameeyo tirakoobku uga socday Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Tababarkan loo qabtay hawl-wadeenadda tirakoobka shaqaalaha iyo xaruumaha caafimaadka ee dalka kuwa dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba oo ay wasaaradda ka taageertay hay’adda THET oo ay wada shaqayn-dhaw leeyihiin ayaa lagu baray ka soo qaybgalayaasha sida ay u sameynayaan tirakoobkaas oo noqon doona mid madax-taabasho ah. ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxdda shaqaalaha iyo tobabaradda ee wasaaradda caafimaaddka Dr Ciise Cabdi Jaamac, kaas oo sheegay in shaqaalahan la tirkoobayo looga baahan yahay shuruudo dhawr ah, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “Tirikoobku waxa weeyaan dhamaan Shaqaalaha Caafimaaddka nooc kasta oo ay yihiin ee kala duwan Dhakhaatiirta, Xirfad-layaasha, Kal-kaaliyayaasha iyo cid kasta oo ka shaqaysa Caafimaaddka, kaas oo Qof kasta looga baahan yahay inuu haysto hal shahaado Koobi ah si loo xaqiijiyo waxa uu yahay. Ujeeddada ka dambaysa waxa weeyaan in la helo xog dhab ah oo ku saabsan Tiradda cadadka Shaqaalaha ee Dalku leeyahay, maadaama oo ay Wasaaradda Caafimaaddku ka masuul tahay Muwaadiniinta Caafimaddkooda waa in la ogaaddo tiradda Shaqaalaha Caafimaaddka. Waxa kale oo ay Wasaradda Caafimaaddku faraysaa dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaaddka inay si mug leh uga qayb-qaataan Tirikoobakan xog ururinta ah oo bilaabmo-doona 16-ka bisha ilaa, 20ka bishana ka bilaabi doona Gobolka Maroodi-jeex , halka 26-ka bishana uu ka bilaabmi doono Goboladda Dalka oo dhan , waana Xog qaran oo Xirafad le kastaa xaq u leeyahay inuu ka qayb-qaato”. Waxa kale oo isayaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashid Xaashi Cabdi, Muxyo-diin Axmed Jibriil oo ah Agaasimaha fulinta ururka Shaybaadh-layaasha, Saraakiil ka socday hay’adda THET, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada uu wasaaradda iyo qarankaba u leeyahay tirakoobkaasi madaxtaabashada ahi, waxaanay madaxdaasi sheegeen inay hawshaasi kala qaybqaadan doonaan hawl-wadeenadda loo tababaray inay fuliyaan tirakoobkaasi.
Ugu danbayn waxa munasibadaasi soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame, kaas oo si qoto-dheer u sharaxay muhiimadda uu tirkoobkaasi u leeyaha Shaqaalaha ka hawl-gala Goobaha Caafimaaddka dalka, isaga oo hawl-wadeenadda hawshaasi loo carbiyeyna kula dardaarmay inay si daacad ah u fuliyaan shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu ka codsaday inay masuuliyad iyo taxadir badan la yimaadaan si aanay u xumaanin hawsha tacabka iyo dhaqaalaha badani ku baxayo.
Dr Cismaan waxa uu shaqaalihiisaasi iyo xubnaha tirakoobka samaynaya kula dardaarnay inay si cadaalad ku dhisan u gutaan waajibaadka loo igmaday si buu yidhi loo helo xog dhab ah oo ku taxaluqda shaqaalaha iyo harumaha caafimaadka Somaliland.
Agaasimaha guud ee caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame waxa uu u mahad-celiyey hay’adda THET, macalimiinta tababarka bixinaysay iyo dhamaan hawl-wadeenada kale ka qaybqaatay hawshaasi, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi “Xogtani waxay tahay mid aad u muhiim ah anaga Wasaaradda ahaan-na noo ah, Xogtaasi waxay naga caawinaysaa in aanu inaanu Qorshayno, Qorshihii Caafimaddka ee Dalka haddii aanan xogtan haysan waxba noo suurtoobi maayaan , markaa waxaanu doonaynaa xogtaasi inay noqoto xog aad u muhiim ah . Wasaaradda waxa loo xil saaray inay keento Adeegyaddii Caafimaadka si loo helo Bulsho Caafimadd qabta”.