Wasiir Cadaani Oo Ka Quusan Waayay Ka Reebistii Laga Reebay Safarkii Waftida Madaxweynaha Oo Iskii U Tagay Ceerigaabo Iyo Soo Dhawayn La,aanta Uu Kala kulmay

Wasiir Cadaani Oo Ka Quusan Waayay Ka Reebistii Laga Reebay Safarkii Waftida Madaxweynaha Oo Iskii U Tagay Ceerigaabo Iyo Soo Dhawayn La,aanta Uu Kala kulmay
cadaaniiiii

Hargeysa (Salaanmedia.com) Wasiiru Dawlaha Maaliyada Cadaani C/laahi Saxardiid ayaa shalay ka jarmaaday hargaysa
kadib kolkii laga reebay masuuliyiinta xukuumada ee madaxweynaha ku weheliya socdaalkiisa.
kadib markii madaxtooyada ka warheshay sida reer ceergaabo aanu wax miisaan ah ugu lahayn Wasiir Cadaani isla markaasina uu dhawr jeer oo isku xiga ku guul daraystay xalinta xaalado ka aloosmay magaalada ceergaabo oo loo xilsaaray waxaa u adeegayaasha iyo masuuliyiinta ka ag dhaw madaxweynuhu u sheegeen Wasiir Cadaani in aanu ku jirin liiska xubno madaxweynuhu u qorsheeyey inay safarka u raacaan sidaa awgeedna uu hawlaha shaqo ee wasaaradiisa iska sii wato.
Wasiir Cadaani ayaa walaac uu ka qabo ashtako kaga timaada bulshada reer Ceergaabo ee uu sheegto inuu metelo waxa uu iskii u go’aansaday inuu madaxweynaha iyo weftigiisa uga sii horeeyo Magaalada Ceergaabo si’uu uga mid noqdo shakhsiyaad hore halkaasi xukuumadu ugu dirtay sii diyaarinta iyo abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha.
Cadaani C/laahi Saxardiid ayaan tan iyo intii uu xilka hayey aan waxtar iyo weedhsan midna aanay ka helin bulshada uu mansabkooda siyaasadeed isaga loogu dhiibay markasta oo uu magaalada Ceergaabo tagona waxa uu wakhtigiisa ku qaata meheradaha dadka ay ehelka yihiin iyo marfashyada lagu qayilo, xataa kuma dego guriga martida oo ah mid shacabka cidkastaaba kusoo booqan karto ama baahiyaha iyo danahooda shacab ay ugu sheegan lahaayeen.
Xukuumada ayaa ka warqabta xidhiidhka Wasiir Dawle Cadaani iyo Reer Ceergaabo sida uu yahay waana sababta looga reebay safarka madaxweynaha.
Inkastoo Wasiiru Dawle Cadaani uu yahay shakhsi ku caan baxay inuu la Ooyo lana Ilmeeyo Guulwadaynta iyo iska dhaadhicinta Madaxweynaha tani waa u gaar balse waxa uu gabno iyo mid gudhan ka noqday wixii xilka madaxweynuhu ugu dhiibay oo ah inuu siyaasiyan ka turjumo bulshada uu metelayo iyo in isagoo ka turjumaya siyaasada xukuumada uu kasbado shacabka uu kasoo jeedo.
Sikastaba ha ahaate Cid cararka Cadaani iyo Safarkiisa Jarmaadada Saaka ayaa ka turjumaya miisaanka iyo macnaha uu xiligan ku leeyahay Xukuumada dhexdeeda.
Isku soo wadad duubo wasiir Cadaani Qasaawa-Salalkiisa iyo Iska socdaalkiisani waxa uu sidoo kale salka ku hayaa walaaca uu ka qabo saamayn ay ku yeelato isku shaandhaynta la hadal hayo in ay soo baxdo safarka madaxweynaha kadib.