Wasiir Xirsi Burco Yimiye Muxuu Doonayaa? Ma Dabkuu Shiduu Dawo u Sidaa? Mise Dacartuu Milay Ayuu Dib u Qooshayaa?!

Wasiir Xirsi Burco Yimiye Muxuu Doonayaa? Ma Dabkuu Shiduu Dawo u Sidaa? Mise Dacartuu Milay Ayuu Dib u Qooshayaa?!

XIRSI NEEF

wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali xaaji xasan ayaa soo gaadhay maanta magaalada burco oo noqday fardheeraatay oo dalka ka lulata sida la deeran san yahay waxa loo malaynayaa markii uu madaxweynuhu soo gaadhay magaalada burco ayay dadweynaha halkaas ku nooli aad uga cawdeen cadaalad daro ay ka tirsanayaan

xukuumadiisa gaar ahaan qaybsiga awooda gobolka iyo cadho ay ka qabeen dhowr jeer oo uu wasiir xirsi burco soo gaadhay oo uu ku kacay arimo badan oo khatar geliyay amaanka gobolka isaga oo aan la tashan masuulkii ugu sareeyay gobolka ee markaas xukumayay mudane; xamarji taas oo aakhirkii keentay in mudane; xamarji badhasaab kii hore uu xilkii iyo masuuliyadii uu gobolka ka hayay iska casilo,
hadaba aynu is yar dul taagno dhibaatooyinka laf dhabarta u ah ee ay bushada reer burco ka cabanayso ee xukuumada siilaanyo ku soo dhex tuurtay intii ay xukunka haysay ee u baahan in xal iyo dawo loo helo;

1- markii gobolka togdheer iyo deegaamada ku dhow laga hir geliyay mashruucii shidaal baadhista ayay xukuumadu shaqaalihii dhexe iyo kuwii hoose iyo gaadiidkii u shaqaynayay shirkada ka wada dhigtay beesha uu madaxweynuhu kasoo jeedo iyada oo deegaanada wax laga baadhayay loo qaybiyay laba qaybood oo kala ah blooga bariga iyo blooga galbeedka waxay ugu sii darayd markii laysyidhi sarfeyga (survey) ka bilaaba dhinaca blooga galbeedka ee shaqaalihii hore looga qoray blooga bariga sidii sii isaga oo isugu duuban layidhi blooga galbeed kana uga hawl gala ee aan deegaankaas wax qorsho ah oo shaqaale ah loogu talo gelin! arintaas oo keentay qarax deegaan taas oo halis gelisay shirkadii shaqada waday iyo shaqaalihii shisheeyaha ahaa ee la socday! waana siyaasad xumada qorsho la-aanta ku dhisan iyo qabyaalada ee xukuumada siilaanyo waana tii sabab u noqotay in shirkadii isaga huleesho iyaga oo amaankooda u baqay waana ta ilaa maanta ay shaqadaasi u xaniban tahay,

2-wasiirkan hada gobolka soo gaadhay oo dhowr jeer oo hore yimid gobolka oo isaga oo aan wax talo ah weydiin gudoomiyihii gobolka ee xilka iska casilay mudane; xamarji iska xidhay dad masuuliyiin ah oo gobolka madax ka ahaan jiray sida gudoomiye kuxigeenkii hore guuleed daahir samatar isaga oo u sibir saaraya mudaharaad magaalada ka dhacay oo ay dadku cabashada ay xukuumada ka qabaan ku muujinayeen iyaga oo ka cabanaaya dhinaca awood qaybsiga maamulka gobolka oo dhinac ka raran oo siweyn u dheelisan, wasiir xirsi masuuliyiintii gobolka madaxda ka ahaa waxa uu kaga kalsoonaaday gudi reer kooda ah oo dhegta wax u saara markuu burco soo gaadho! kadibna waxa uu ku dhaqaaqaa waxay qooyskuudo u sheegaan mana raaco hab maamulka dowladeed ee gobolka ka dhisan! taasina waxay keentay in is aaminka bulshada magaalada ku nool uu sii yaraado ilaa uu gaadhay heer ay is aamini waayaan ciyaartoygii magaca gobolka ku safan jiray!,

3- wasiirka ciyaaraha cali siciid reygal oo magaalada soo gaadhay xiligii ciyaaraha gobolada loo tartamayay oo kooxdii magaca gobolka ku safanaysay wax ugu qaybiyay 4.5 (qabiil) ilaa ay gaadhay in fadeexad kala soo hoydaan tartankii hargeysa ka dhacay iyaga oo u qaybsamay laba kooxood oo magac reer wata oo mid waliba tidhi anaga ayaa magaca gobolka ku ciyaarayna kadinba ay gaadhay in jeelka lagu guro!

4- xukuumada oo bulshada magaalada ku nool u kala qaybisa beesh bari burco iyo beesha galbeedka burco kaas oo ah dhawaaq cunsuriyad ah oo aad markaba garan gartid in magaalada loo kala qaybshay laba beelood halka magaalada hargeysa marka xaafadaheeda la tilmaamayo loogu yeedho xaafad kasta magaceeda sida xaafada axmed dhagax, xaafada maxamuud haybe, xaafada ibraahin kood buur IWM, hada magaalada burco iyana sidaas oo kale ayay macagyo u leedahay sida xaafada maxamed cali, xaafada cali xuseen, xaafada aadan saleebaan IWM, laakiin burco waxay kaga bedelan tahay hargeysa mujaahid kasta oo xaafad loogu magac daray waxa dega jifadii hoose ee uu ka dhashay halka magaalada hargeysa lays weydaariyay magacyada mujaahidiinta si taasi ay u abuurto is dhexgalka bushada,

5-qaybsiga awooda maamulka oo intii madaxweyne siilaanyo talada dalka la wareegay ay ka muuqato in uu awoodii gobolka gacanta u geliyay beesha uu ka soo jeedo tusaale ahaan laba xil ee ugu sareeya gudoomiyaha gobolka iyo maayarka degmada oo ay labada beelood ee magaalada ugu balaadhani qaybsan jireen oo hadii qolo ku guulaysato xilka degmada (maayarka) qolada kale lasiin jiray gudoomiyaha gobolka (badhasaabka) si awooda gobolku isugu dheeli tiranto, taas waxa meesha ka saaray madaxweyne siilaanyo oo ugu dhuuntay is weydaarintii badhasaabada gobolada isaga oo meesha kasaaraya dhinaca awood qaybsiga gobolka togdheer badhasaabada kale ee gobolada kalena lugta ku sii dhuftay si ay sheekadiisu ugu toosto! uguna muujiyay umada waxaan samaynayaa is dhexgal maamul,

6- xukuumada oo ku guul daraysatay in ay ka gado siyaasada xisbiga kulmiye dhamaan bulshada ku nool gobolka si ay u yaraato kala qaybsanaanta jirta taas oo ay kala taageersan yihiin laba xisbi ee kulmiye iyo wadani iyana waxay tilmaan u noqotay astaamo reernimo! labaada xisbi oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne siilaanyo iyo gudoomiye c/raxmaan cirro oo labaduba labada beelood ee magaada ku murma kasoo kala jeeda taas oo aanay bulshada magaaladu si isku milan aanay labada xisbi ba ugu wada jirin ee qolowaliba keeda taageerto! waxaanu habdhaqankan siyaasadeed meesha ka saaray isku soo dhawaan shihii bulshada magaalada wada degta ee isku dhoonka ah,

hadaba mar hadii intaas oo dhibaato ah oo weli aan xal loo helin ay magaalada ka jirto muxuu daweyn karaa wasiir xirsi oo awlba aanay bulshada qaarkeed ku kal soonayn? sow uun jug jug meeshaada jog uun maaha? maxaase wasiir xirsi laga filan karaa maanta ee aan ahayn inuu dab iyo baasiin ku sii shido boogihii hore u bukay? xanuukan magaalada haya ma daweyn karaa qofkii markii hore keenay? su-aalahaas jawabahooda waxaan u dheefayaa bushada reer Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

aadan axmed nuur