Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/Laahi Goodax Barre Oo Sheegay In Aan La Cafin Doonin Hogaamiyaasha Shabaabka Ah Ee Ku Xidhan Al-Qaacida

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/Laahi Goodax Barre Oo Sheegay In Aan La Cafin Doonin Hogaamiyaasha Shabaabka Ah Ee Ku Xidhan Al-Qaacida
Daakhilaga Soomlia

Muqdisho: (Salaanmedia.com)-Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa sheegay in Madaxda sar sare ee Ururka Al-Shabaab ay yihiin kuwa aan laheyn wax cafis ah, islamarkaana laga qaadayo tilaabo sharciga waafaqsan.
C/Laahi Godax Bare Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaloo sheegay in raga ku xiran Al-Qaeda inaysan laheyn wax cafis ah, balse Amiirada dhexe ee la qalday hadii ay hubka dhigaan oo shacabkooda ay ka mid noqdaan Dowladda Soomaaliya ay la macaamilayso

Wasiirka wuxuu sheegay in Masuuliyiinta ciidanka iyo kuwa Gobalada dalka Soomaaliya ay amar u qabaan inay macaamil la galaan raga dhexe ee Shabaab hadii ay isa soo dhiibaan, isaga oo sheegay in hadaba uu jiro wadahadal kala dhaxeeya rag ka tirsan Al-Shabaab.
Dhinaca kale waxaa soo if baxaaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isa soo dhibayeen xiliyadii dambe, tan iyo markii howlgalada Al-Shabaab looga sifaynaayo Gobolada dalka Soomaaliya..