Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Shir-Jaraaid Ku Qabtay Magaaladda Burco Ayaa Ka Warbixiyey Halka Uu Marayo Dilkii Loo Geystay Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Shir-Jaraaid Ku Qabtay Magaaladda Burco Ayaa Ka Warbixiyey Halka Uu Marayo Dilkii Loo Geystay Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax.
WARAN CADAE

Burco(Salaanmedia.com)-Kadib shirar goos goos oo uu wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali maxamed warancadde iyo waftigiisu la yeesheen labadan beelood ee shqaaqadu dhexmartay ayaa waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta martida ee Gobalka Togdheer halkaas oo ay warbaahinta ugu warbixiyeen halka ay marayaan xaaldaha dilkii ka dhacay tuulada laan mulaaxo ee loo gaystay sarkaal kii ka tirsana ciidanka Booliiska waxaan u hadalaladiisii ka mid ahaa.
waxaanu shirar gooni gooni iyo kuwa guud ba la yeelanay labadii beelood ee Mashaqadu dhexmartay waxaanan isla afgaranay inaan ilaalino nabad
galiyada”
sidoo kale waxa uu sheegay inay ka go-antahay dawlada Somaliland in gacanta lagu soo dhigo balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii gacanta loogu soo dhigilahaa ee loo horkeeni lahaa in cadaalada la wafajiyo.
Waxa kale oo uu intaa wasiir warancade ku daray in ay iska kaashanayaan qabshada gacan ku dhiiglaha dawlada somliland iyo ta kilalka shanad ee itoobiya.
Dhanka kale waxa uu wasiir waran cade uga digay qoyska uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu inaanay qarin nimanka dilka gaystay hadii ay qariyaana
uu arinku intaa ka sii cuslaandoono fidmadii qofka kaliya taagnaydana ay nafo badan oo kale saamayn doonto.
Gabo gabadii waxa uu wasiirku dhanbaal udiray beeshii uu ka soo jeeday sarkaalkii la dilay ku was oo uu ugu baaqay inay dhinacooda ka
ilaaliyaana nabad galiyada hawshana udaayaan wasiirada Si kastaba ha ahaatee xlikan cakiran ee ka tagan deegaanada xaaji saalax ee gobalka daadmadheedh ayaan la ogayn meela ay ku danbayndoonto iyadoon wali gacanta lagu dhigin gacan ku dhiiglihii gaystay dilka.
Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo Hadalkii Wasiirka Oo Dhamaystiran