Wasiirka Deegaanka Shukri X.Ismaciil Bandare Oo Maanta Magaalada Hargeysa Ka Furtay Kulan Lagu Gorfaynayey Badbaadada Deegaanka Iyo Ka Hortaga Dhibaatooyinka Ku Yimaada

Wasiirka Deegaanka Shukri X.Ismaciil Bandare Oo Maanta Magaalada Hargeysa Ka Furtay Kulan Lagu Gorfaynayey Badbaadada Deegaanka Iyo Ka Hortaga Dhibaatooyinka Ku Yimaada
SHUGRI 1

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.18.2014-Wasiirka Wasaarada Deegaanka Jamhuriyada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta kulan lagu gorfaynaayey badbaadada Deegaanka iyo Ka hortaga dhibaatooyinka ku yimaada ka furtay Magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ay Soo qanqaabisay Wasaarada Deegaanku ayaa waxaa sida oo kale ka soo qayb galey daneeyayasha deegaanka dalka iyo dhawr Wasaradood,waxaana kulankan sida oo kale la soo qaban qaabisay Wasaarada Warshadaha Somaliland

Wasiirka wasaarada Deegaanka Somaliland Shukuri X.Ismaaciil Baandare oo halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay ka warantay sida ay muhiim u tahay in loo diyaar garoobo horumarada dhinaca warshadaha ee somaaliland ku talaabsatay dhibaatooyinka caafimaad daro ee ay keeni karaan ku waasi oo saamay xoogan inta badan ku sameeya bilicda deegaanka iyada oo tusaale u soo qaadatay qaar kamida warshadaha dalka ku yaala,waxaana ay ku amaantay dadaalka ay sameeyeen balse waxaa ay sida oo kale carabka ku adkaysa inay jiraan dhibaatooyin ay deegaanka ku hayaan

“..Waxaan wada leenahay xidhiidh,xidhiidhkaa aan wada leenahay ee naga dhexeeyaa waa sidii iyaguna ay uga ilaalin lahaayeen dhaqaalihii ee uu kor ugu soo kici lahaa ee warshado loo furi lahaa ee aan horumar aynu ugaadhi lahayn dhinaca kalena maxaa uu horu markaasi uu khasaare inoo keeanyaa iyada oo laysu miisaamayo,labadayaduna dhinacaasaanu iska soo galnaa…”.Ayaa ay tidhi Shukri X.Ismaaciil Baandare

Wasiir Shukri X.Ismaaciil Oo hadalkeeda sii wadata waxaa ay tidhi:”..Deegaan ahaan waxaan umalaynayaa imika warshadaha aynu maanta wada haysanaa waxaan umalaynayaa kuwan biyaha ee wada quruxda badan leh ayaa aynu arkaynee ee inoo keena dee quraaradahaa quruxda badan leh,warshadaha soo saaraana dee dadaal iyo dhaqaalaba waa ay galiyaan oo shaqaalana waa uu ka shaqeeyaa waxbadan oo had iyo jeer layna yidhaahdo waa run oo taa lays kuma diidana laakiin dhinaca kalena maxaa ay keenayaan oo khasaaraha ay keenayaan ma loo diyaar garoobay oo iyagu diyaar ma u noqdeen inagu se ma u diyar garownay..”