Wasiirka Duulista Oo Ciidan U Adeegsaday Barakicinta Qoysas Degenaa Duleedka Madaarka Hargeysa Iyo Dadkaasi Oo Cabasho Ka Muujiyey Qaabka Loo Raray

Wasiirka Duulista Oo Ciidan U Adeegsaday Barakicinta Qoysas Degenaa Duleedka Madaarka Hargeysa Iyo Dadkaasi Oo Cabasho Ka Muujiyey Qaabka Loo Raray

DUULISTA

Hargeysa, March 14, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa galalafay qoysas mudo dheer degenaa duleedka koonfureed ee madaarka Cigaal International airport ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay in wasiirku uu iska indha tiray Xaaladda ay ku sugan yihiin, isla markaana uu u sheegay in xayn-daabka loogu talo galay Madaarka Magaaladda Hargeysi uu maray dhulkoodii.
Qoysaskan oo maati danyar dumar iyo caruur u badan ayaa hakiyay hawl maalmeed ay wadeen kooxo farsamo yaqaano ah, kuwaas oo dhisayay dhulka ay degan yihiin dadka Danyarta ahi, balse Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen ciidamo ayaa waxa uu amar ku siiyay in ay shaqadu socoto isagoo u dalbaday ciidamo kale.

Oday Axmed Cabdi Siciid oo ka mid ah dadka halkaasi degan ayaa sheegay inuu wasiirka ay ka wada hadleen arinta dhulka waxaanu intaasi raaciyey inuu sheegay inuu ku dhaqaaqayo go’aankii uu qaatay oo ah inuu ka raro dadka dagan degaankaasi.
“Aniga oo ah dadka dagan degaanka koon fureed ee magaalada hargaysa waxaanu maanta halkan ku cadaynaynaa haduu nahad dadka dagan degaanka in cago juglayn badan nagu sameeyey wasiirka duulista iyo hawd somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu wasiirku halkaas ka bilaabay in ay amaan daro ka dhacdo degaanka iyo madaarka ay diyaaraduhu kasoo dagaan isga oo aan qarsan oo waliba si badheedh ah noogu cadeeyey inuu xoog nagag qaadi doono”.
Axmed Cabdi Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Wasiirkaas duulista iyo hawd Somaliland marna ma uu damcin jiritaan jamuuriyada Somaliland inuu sii waaro, waxaana uu ku qabtay gaasta iyo kabriid qaranimadii Somaliland wasiirku waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo jecel in ay jirto jamuuriyada Somaliland inay naga qabtaam wasiirka duulista ee uu madaxwaynaha Somaliland ka kow yahay hadaanu isna ku raac sanayn.
Dhinaca kale waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdi Qaadir (Cago Cade) waxaana uu sheegay in ay xukuumada iyo Labada Gole Qaranba la hadleen balse aanay waxa go’aan ah kasoo saarin dhibta maalinba maalinta ka danbaysa kasoo cusbonaanaysa duleedka koonfureed ee madaarka hargaysa.

“Waxaan maanta u sheegayaa madaxwaynaha madaxwayne ku xigeenka wasiirada iyo cid kasta oo jecel nabada somaliland in nala soo kala gaadho wasiirka doonayo guriga aanu ku caqliyay sanay inuu naga raro dajiyana cid kale oo dalka aan udhalan.
Waxaa uu intaasi ku daray Cabdi Qaadir (Cago Cade) hadii go’aankaas uu wasiirku qaatay waxa laga qaban waayo in ay faraha ka bixi doonto nabada garooka diyaarada ee magaalada hargaysa diyaarad den-bena aanay soo cago dhigan dooni madaarka”
“Dalka waxa soo maray 8midaxwayne sideeduba waxba namay yeelin wasiirka dulistu haduu naga dayn-waayo waxa uu nagu hayo waxaanu gaynaa wixii raga samayn jiri una dulqaadan mayno maalin danbe inuu noogu han-jabo wasiirku xaafadu daganayn”.
Sidoo kale waxa Iyana halkaasi ka hadashay Raaxo qayb-diid waxaana ay sheegta inuu wasiirku ugu han-jabay inuu xoog ku muquurin doono cid kasta oo ka hortimaad go’aanka uu gaadhay wasiiru waxaana ay tidhi “Waxa uu wasiirku noogu han-jabay inuu yidhi halkan maanta anigu cidna udabo fadhiisan maayo ciidanka halkaas ii joogaan xukun kooda ayaa qaadanaysaan halkan aanu maanta joogno shalay waxa noogu yimi millatari uu nagu yidhi qoru caaradii ayaad kaga guuraysaan ilaa xalay ilaa saaka ood nala joogtaan waa noo ciidankaas hadii waxa laga qaban waayana waxa ka dhaca mudane Madaxwayne siilaanyo anigu maan dhigin.
Wasiirka duulista oo soo gaadhay goobtaas ay dadku kaga cabanayeen ayaa ugu jawaabay dadkii in aanu cid uga gabanayey inuu dhulka xoog ku qaado islamarkaan waxa uu wasiirku dalbaday ciidan kuwaas oo goobta soo gaadhay.

Waxa uu amar ku bixiyey cidii ciidanka ka hortimaad in ay talaabo ka qadaan,balse kamaa uu fikirin wasiirku dhibta ka iman karta goobtaas ay ciidanku xooga ku galeen oo dadka qaarkood ay hubays-naayee”.

L Q L