Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyada Millatari Ee Bariga,Sheegayna In Ay Dib U Soo Celiyeen Ciidankii Qaranka

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyada Millatari Ee Bariga,Sheegayna In Ay Dib U Soo Celiyeen Ciidankii Qaranka

CADAANI

Hargeysa(Salaanmedia.com)Mar.30.2014-Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cabdiaahi Cadami ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamadii maalmihii dhaweyd la geeyey jiida hore ay dib u soo celiyeen waxaana u sheegay in sdia oo kalana ay filayaan in ay puntland ay dibceliso.
Wasiirka ayaa arintan iyo arimo kale oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada milatari ee ka jira bariga kaga hadlay mar uu lahadlaayey wargeyska Geeska Afrika waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
“ arinkan iyo Eedayntan ay jeedinayaan oo dhan waxa soo kiciyey tagitaankii ay Laas-qoray tagi kari waayeen, taas ayaa xumadda hada kacsan sare u qaaday. Laas-qoray waa halkii aanu ku dhalanay oo dadkii degaankaas lahaa ayuunbaa jooga. wax wanaag ah oo ay u sameeyeen Laas-qoray na ma jiro, waanad maqlayseen inay yidhaahdeen argagax baa nagu dhacay markii Madaxweynuhu uu Laas-qoray tagay.”
Wasiirka Gaashaan dhigu waxa uu tilmaamay in hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas uu iman kari waayay degaanada Laas-qoray islamarkaana uu gurigiisa ku laabtay “Ciidamo ayay soo dirteen oo haddana waa ay noqdeen, siyaasaduna ka hortag ayay leedahay ee in aad ka dabo tagtaa waa fadeexad, dhaqdhaqaaqii ay sameeyeen waa loo diyaar garoobay waxaanan filayaa in isaguna u ugurigiisii Cabdiweli gaas) uu ku noqday, waanay og yihiin inaanay halkaas ciyaar ciyaar ku iman Karin oo ay ciidamo hor joogaan.Markii uu isku dayay inuu tagana waa laga hor tagay oo waa uu ka noqday. Hadda wax taagani ma jiraan, iyagana waxaa dantu ugu jirtaa inay halkoodii ku noqdaan” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga.
Wasiirka oo wax laga waydiiyey Ciidanka Qaranka oo dib uga soo laabtay degaanka Carmala oo Koonfur Bari ka xiga Ceerigaabo ilaa 80Km wuxuu yidhi “ Carmale haddaad maqasho Ciidamo Somaliland leedahay ayaa degan, markaas Ciidankii deganaa ayaa halkaas lagaga yimid oo ku filan Ciidamadii kalena dib ayay u soo noqdeen”.
Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dib uga soo laabtay degaannadii hore ay ugu ruqaansadeen. Ciidanka ayaa hore u tagay degaano la sheegay in Ciidamo Puntland leedahay ay ku soo wajahnaayeen. Tagitaankii Madaxweyne Siraanyo ee Laas-qoray ayaa Maamulka Puntland si aada uga qayliyey islamarkaana sharci daro ku tilmaamay.
Dhinaca Puntland ayaan weli ka hadal in Ciidamadoodu ku noqdeen Degaanada hore ay uga soo kicitimeen. Puntland ayaa eedaymo tiro badan u jeedinaysay mudooyinkii dambe Xukumadda Somaliland.