Wasiirka Kalluumaysiga S/land Oo Ka Soo Baxay Degmada Dhahar Kadib Markii Maamul Goboleedka Puntland Ku Amreen Innuu Si Dhakhso Ah Uga Baxo

Wasiirka Kalluumaysiga S/land Oo Ka Soo Baxay Degmada Dhahar Kadib Markii Maamul Goboleedka
Puntland Ku Amreen Innuu Si Dhakhso Ah Uga Baxo

Was Kaluumisiga

Dhahar, March 22, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed oo daraad socdaal ku tegay degmada Dhahar ee bariga Sanaag oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ayaa shalay iskaga soo baxay magaaladaasi kadib markii la sheegay in maamul goboleedka Puntland ay ku amreen inuu si dhakhsa ah uga baxo degmada Dhahar.
Waxaanay ila wareedyadu intaasi ku dareen in amarkaasi ay soo bixiyeen masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland xilalka ka haya ee ay ka soo wada jeedaan degmada Dhahar.
Wasiirka kalluumaysiga Cali jaamac Buureed ayaa isaga la sheegay inuu maalintii shalay duhurkii uu soo gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag kaasoo markii Puntland ay ku amartay inuu ka baxo degmada Dhahar uu go’aansaday inuu si nabadgelyo ah uga soo baxo.
Maamul goboleedka Puntland ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada gobolka Sanaag Barri intii ka dambaysay markii uu dhowaan madaxweyne Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu booqasho ku tegay degmada Laasqoray ee bariga Sanaag safarkaasi oo maamul goboleedka ku noqday filanwaa iyo sas.
Wasiir Cali Buureed oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku marayey gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa isagu maalintii daraad dib uga noqday magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag kaasoo xilligaasi socdaal guura gal ah maalintii daraad ku tegay degmada dhahar ee maamul goboleedka puntland ayka soo saareen.