Wasiirka Kaluumaysiga Oo Shaaciyay In Xukuumadu u soo Jeedsatay Horumarinta Sanaag Barri.

Wasiirka Kaluumaysiga Oo Shaaciyay In Xukuumadu u soo Jeedsatay Horumarinta Sanaag Barri.

Kalumaysiga

Hargeysa(Salaanmedia.com) Wasiirka Wasarada Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland Md.Cali Jaamac Bureed ayaa socdaalkii madaxweynaha Somaliland Degmada Laas-qoray

ku tagay ku tilmaamay Socdaal taariikhi ah, isaga oo xusay in uu madaxweynuhu uu u kurgaliyey Baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadka deegankaasi, isaga oo tilmaamay in uu madaxweynuhu balanqaad dadkaasi u sameyey si ay bulshada reer Somaliland wax ula qabsadaan.
Wasiirku wax kale oo uu sheegay in socdaalka uu ku mareyey gobolada Barriga iyo galbeedka uu ahaa Mid taariikhda galay, isaga oo sheegay in xukumadu u guntanayso sidii ay wax uga qabanlahayd baahiyaha faraha badan ee ka jirra dhulka uu madaxweynuhu maray si bulshada reer Somaliland ay u noqoto mid isku fillan.
Waxaanu yidhi. “Runtii meelo uu madaxweynuhu soo dhagax dhigay oo la rabbo in wax laga bilaabo way jirta, sidda ceelkii badhan oo muddo jabna oo dadka magaaladasi niyo la’aani haysay biyo loo soo saaro isaga oo madaxweynuhu maray riigina loodirayo, waxii laas-qoray loo balan qaadeyna waxna waa loo diyaarinayaa waxna way ku siisocota, runtii tagitaankii madaxweynuhu wax badan ayey dadka deegankaasi u tartay.”Ayuu yidhi.