Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qurbo-Jooga S/land Ku Naqdiyey Hagrasho, Kana Hadlay Dhaqaalaha Ay U Hayaan Jidka Ceerigaabo

Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qurbo-Jooga S/land Ku Naqdiyey Hagrasho, Kana Hadlay Dhaqaalaha Ay U Hayaan Jidka Ceerigaabo

XIRSIIII

“Nusu-Saacihii Caruurta Ayaa Qurbo-Joogii Maalin Walba Na Odhan Jiray Maxaad Ku Qabanaysaan Iyo Waad Cunaysaan Ee Nagu Hadidi-Jiray Ka Soo Dheereeyey”
Hargeysa, March 18, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qurbo-joogta dalka ku naqdiyey inay hagradeen dib u dhiska jidka Ceerigaabo oo uu sheegay inaanay bixinin wali 7 Malyan oo doollar oo ay hore u balanqaadeen, isla markaana waxa uu xussay inay wasaaradda waxbarashadu ka dheeraysay qurbo-jooga Somaliland.
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in socdaalka uu madaxwayne Siilaanyo ku joogo xarunta gobolka Sanaag inuu la xidhiidho bilawga jidka Ceerigaabo oo uu tibaaxay in si rasmi ah u bilaabantey hawshiisii, kaas oo eedo u jeediyey dadka dhaliila nidaamka ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo u maamusho dalka.
Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu hadal ka jeediyey munaasibad uu madaxwaynuhu kala hadlayey bulshadda reer Ceerigaabo, taas oo shalay ka qabsoontay magaaladaasi. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa dadka reer Ceerigaabo ee madaxwaynaha iyo waftigiisa soo dhaweeyey, kuwaas oo dareenkooda ku muujiyey sida wadada Ceerigaabo taageerada ula barbar-taagan yihiin, waxaanan uga mahad-naqaynaa sida ay u muujiyeen taageerada ay madaxwaynaha qaranka u hayaan markaa waxaan leeyahay way muujiyeen dareenkoodii dhabta ahaa oo way ku mahadsan yihiin”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wadadii Ceerigaabo sida aanu hore u sheegnayba waa la bilaabayaa oo maanta madaxwaynuhu waxa uu halkan u yimid bilawgii iyo dhaqaajintii jidka Ceerigaabo. Madaxwaynuhu waxa uu wadada Ceerigaabo bilawgeedii dhagax-dhigay Ina Afmadoobe oo dad badanbaa lahaa la samayn maayo oo waa been, markaa waxa aanu samaynay oo uu madaxwaynuhu hormuud ka yahay in la sameeyo Bajadkii oo uu Baarlamaanka u gudbiyey oo bajadkii oo loo saaray xoolaha iyo gaadiidka oo way suurtagashay taasina, waxa uu sidoo kale madaxwaynuhu dalbay qalabkii oo qalabkiina waa diyaar oo waa kaas maanta hortiina yaala”.
Wasiirka madaxtooyadu mar uu ka hadlayey doorka qurbo-joogta Somaliland iyo dhaqaalaha ay u hayaan jidka Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Dhaqaalihii loogu talo-galay qurbo-jooga guddidaa u baxday oo wax badana way balanqaadeen oo ilaa 7 Milyan oo Doollar ayey balanqaadeen, waxaana gacantayda soo gaadhay ilaa hada 1 malyan oo doolar oo ah wixii la iska ururiyey hadii ahaan lahayd dawladda iyo haday tahay qurbo-joogaba Milyan iyo Boqol-baa na soo gaadhay, waxaan mahad-gaar ah halkan uga jeedinayaa Wasaaradda Waxbarashadda oo kaalin mugleh ka qaadatay hadii ay tahay soo dhawaynta iyo hadii tahay lacagta ay bixiyeen oo 120 kun oo doolar oo ay leedahay wasaaradda waxbarashadu ayaa na soo gaadhay oo aad iyo aad ayaanu ugu mahad-celinaynaa isla markaana qurbo-joogii iyagaa ka soo dheereeyey oo nusu-saacihii caruurta ayaa qurbo-joogii maalin walba na odhan jiray maxaad ku qabanaysaan iyo waad cunaysaan ee nagu hadidi-jiray ka soo dheereeyey, waxaanan leeyahay walaal wali waa la idiin baahan yahaye dalkaaga wax gasho, hadii aad wadada Ceerigaabo shalay u arkayseen waxaan suurta-gal ahayn maanta waa suurta-gal”. Xirsi Cali Xaaji Xasan mar uu ka hadlayey mawqifka madaxwayne Siilaanyo ee horumarinta dalka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Caadadeed-bay tahay hogaamiyuhu inuu u horseedo bulshadda waxay u arkayaan inaanay suurta-gal ahayn, sida laga wariyo Nelson Mandela ayaa markii uu ku jiray halganka (Its always Impossible Until It Is Done) oo ah had iyo jeer waa waxaan macquul ahayn ilaa la qabto”.