WASIIRKA XIRSI OO NOQDEY MUS-DAMBEEDKA AAN LOOGA MAARMI KARIN QASRIGA IYO WIILKA UU MADEXWEYNE SIILAANYO SODOGA UYAHEY OO BEESHA UU KASOO JEEDO LOOLA TAGEY SASABAAD DHAGAXAAN LOOGU DHIGAY(FAALO).

WASIIRKA XIRSI OO NOQDEY MUS-DAMBEEDKA AAN LOOGA MAARMI KARIN QASRIGA IYO WIILKA UU MADEXWEYNE SIILAANYO SODOGA UYAHEY OO BEESHA UU KASOO JEEDO LOOLA TAGEY SASABAAD DHAGAXAAN LOOGU DHIGAY(FAALO).

Daawo Muqaal: Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dalxiisay Jasiirada Sacadadiin + Wasiir Xirsi Oo Shacabka Iyo Dowladaba Ku Booriyay Inay Maal Gasadaan + SAWIRO

Burco(Salaanmedia.com)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi oo kamid ah Dadka loogu hadalhaynta Badan Yahey Wasiirada Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, ayaa noqdey indhawaale Wasiirka ugu macquulsan Wasiirada Beesha Madexweynaha ee aan Xilka laga Qaadin inkastoo ay horaantii Xeyndaabka nawaaxiga Madexweyne Siilaanyo isku cidhiidhsan jireen Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi, iyo Wasiir Xirsi hadana waxey taasi isugu biyo Shubatey in Xirsi dhinaca Madexweynaha iyo Qoyskiisa uga dhawaado Wasiirka Duulista, iyadoo Mudooyinkii dambena lagu ladhayay isna in uu muska ka dhacey Wasiirka Macdanta oo markii hore dul kaxaadiska taagnaa

Amuurahan Daaha Ka rogay a xanshaashaqa iyo hadal haynta qoyska madaxtooyada somliland iyo wasiirada sida rasmiga ah ugu jira xayndaabka sakarada caailada ayaa dib u soo

cusboonaadey kadib markii safarkii dheeraa ee Madexweynuhu ku Marey Deegaano badan oo Xeebta Galbeed iyo Xeebta Bari ah ay kasoo baxeen fashilaado ka baxsan anshaxa iyo asluubta hanaanka Dowladnimo iyo waliba baratakoolka, Wafti Madexweyne Hogaaminayo iyadoo Wasiiradii tirada badnaa ee Safarkaa ku wehelinayay Madexweynuhu, iyo Xildhibaanadii daba yaacey
ay noqdeen kuwa meel kasta oo Madexweynuhu gaadho hadey tahey Tuulo iyo hadey tahey Magaaloba marka laga Reebo Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ay masaariifo ka Sugaan Jeebka Wasiir Xirsi,iyagoo halkaa ugu quus gooyay, in Safarka iyo Waftiga Madexweynaha ay wax ka gaadhaan dadkii uu ku booqdey Deegaanada Fogfog sida Degmada Laas-Qorey oo dadka Xiligan joogaa ay u badan Yihiin dhalinyaro Kaluumeysato ah oo sida Xaqiiqda ah ku farxi lahaa hadii Madexweynaha Somaliland ee Soo Booqdey Mudane Axmed Siilaanyo iyo Waftigiisa ay wax kasoo gaadhi lahaayeen haseyeeshee, mudo kusiman Lixdan daqiiqadood oo ay Halkaasi ku sugnaayeen, waxa la Sheegay inaan dadka Deegaanka Waxba kasoo gaadhin socdaalka Madexweynaha marka laga Reebo dhagaxii loo Dhigay, iyadoo la Dareemay in Wafti culusi kusoo aadan yahey kadib marki Gaadiidku kasoo wareegay Xananka oo ah albaabka Magaalada Laas-Qorey.

Sikastaba aha ahaatee, hadii aynu dhinac isugu leexino Xogtaa Kooban ee ku lamaaneyd Safarka Madexweynaha ayaa la Sheegay in Wasiirada Xukuumada Siilaanyo, ay inta badan jecleystaan in ay kamid noqdaan Waftiga Madexweynaha si Wasiir Xirsi sahay fiican usiiyo marka ay socdaalka ku guda jiraan, marka Laga Reebo Wasiirka Caafimaadka oo sida la Sheegay isagu had iyo jeer dib uga joogsada in uu Wasiir kale Jeebkiisa daba Joogsado, iyadoo aan nidaamkan loo dhaqmi jirin Xiligii Xukuumadihii hore balse, dhinac waliba kharashka Socdaalka sii
dhameysan jirey ka hor inta aan la amababixin taas oo Madexweynayaashii Soo marey Somaliland ay Fursad Fiican ka heli jireen in iyaga Waftigooda uu duul duul ka gaadho Dadka ay ku Booqanayaan Deegaanada kala Duwan ee Dalka.

Gabagabadii Waxa maanta Siweyn isha Loogu hayay Guud ahaanba Deegaanada Bariga Gobolka Togdheer Mashaariic dhagaxa loo Dhigayay Degmada War-Cibraan oo ay Wasiiro badani gaadheen halkaasi iyadoo, Waftiga Wasiirada uu ku jiray Wiilka uu Sodoga uyahey Madexweyne Siilaanyo Baashe, oo la Sheegay in nuxurka ujeedada Mashaariicdani ay salka ku hayeen qaboojin lagu qaboojinayo, dadka Deegaankaas gaar ahaana Beesha uu kasoo Jeedo Mr Baashe oo caai,lada katirsan inkastoo ay Xiligan dad badani uyaqaanaan(Moorganka Cusub) maadaama uu dhex degan yahey Qasriga Madaxtooyada, waxaana Wararku Sheegeen in Beeshani aad uga Biyo diidasneyd Islamarkaana, u hub qaateen Dhinaca Mucaaridada kasoo Horjeeda Xukuumada Siilaanyo maadaama aan halgankii
Kulmiye dabadii dib loogu noqonin, iyadoo dambabaska tabashadan uu Wasiir Xirsi ka Qeyb qaatey una Soo abaabuley Xubno Qurbo joog ah oo Saluugsanaa, indhaha Xukuumada oo aan marnaba Soo dhaafin inankaasi waftiga Hogaamiyaya halka laga Qadiyay Xukuumada iyo Arimaha Bulshadaba dadkii kale iyo Bulshadii Deegaanka, inkastoo aanay Degmada War Cibraan kali ku aheyn Beesha Cibraan ee uu kasoo Jeedo Wiilka
Madexwenuhu Sodoga u yahey.