Wasiiro Ka Socda Dawladda Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Australia.

Wasiiro Ka Socda Dawladda Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Australia.

NEWS N

Australia (Salaanmedia.com)-Wefti Wasiirro oo ka socda Xukuumadda Somaliland,ayaa booqasho shaqo ku tegay dawaynaha Australia ,halkaasoo aad loogu soo dhaweeyay isla markaana ay soo dhaweyntoda ka qayb qaadatay jaaliyadda reer Somaliland e e dalweynaha Australia
Wasiirada Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Macdanta iyi Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale,oo dalka Australia Safar shaqo ku tegay,ayaa la sheegay inay dalkaas ku sugnaan donaan muddo toban maalmood ah isla markaana ay a kulmi doonaan masuuliyiinta dalkaas ugu sarraysa,aar ahaan wasaaradda Arrimaha dibada dalka Australia .
Dhinaca kale weftiga Somaliland,ayaa kulan la qaadan doona jaaliaydda reer Somaliland eek u sugan dalka Australia ,kuwaasoo soo dhaweeyay weftiga booqashada ku tegay dalka ay deggen yihiin oo aan inta badan cidi ka tegin Somaliland.
Jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan dala Australia ayaa si weyn ugu ammaanay Madaxwynaha Somaliland inuu u diro dalka ay joogaan Wefti uga warama xaalada dalku uu maanta ku suga ayahy isla markaana xog dhab ah ka siiya geedi socodka dawladnimo ee Somaliland ay marayso.
Geesta kale Weftiga Wasiirada ha ee Somaliland ayaa ka mahad naqay soo dhaweynta ay kala kulmeen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Australia,waxaanay ku amaaneen waddaniyadda ay muujiyeen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin inay madaxdooda arkaan.