Wayne Rooney: Luis Suarez Waxa Uu U Fiican Yahay Sida Leo Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Wayne Rooney: Luis Suarez Waxa Uu U Fiican Yahay Sida Leo Messi Iyo Cristiano Ronaldo
ROONY

Wayne Rooney ayaa sheegay in Luis Suarez uu ka mid yahay xiddiga ugu fiican adduunka isagoo ku heer ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Weeraryahanka Manchester United ayaa meel isla dhigay xafiiltanka kala dhaxeeya Liverpool isagoo amaanay xiddiga reer Uruguay.
Roo ayaana ka warqaba in United ay tahay inay la soo baxdo ciyaarteedii ugu fiicneyd si ay berri u celiyaan Liverpool kulanka Old Trafford.
Weeraryahanka England ayaa yiri sida ay qortay The Sun: “Suarez aniga ahaan waxa uu ku heer yahay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo madaama uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican dunida. Sidaas ayuuna u fiican yahay.”
Suarez ayaa dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxaana ay isfaham fiican leeyihiin Daniel Sturridge kaasoo isna dhaliyay 21 gool.
Labadooda ayaana ku hogaamiyay Liverpool inay kaalinta labaad kaga jirto kala sareynta horyaalka.
Rooney oo 28 sanno jir ah ayaa yiri: “Brendan Rodgers fursad ayuu siiyay Sturridge, kaasoo isna labada gacmood ku qabsaday fursadaas.
“Taasna waxa ay u fiican tahay sidoo kale England, labadoodana waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed sarre xilli ciyaareedkan.
“Waa inaan sameyno wax walba oo aan ku celin karno axada.”