Wenger Oo Qaatay Eeda Guuldaradii Chelsea Islamarkaana Iska Diiday Shirkii Jaraa’id Ee Ciyaarta Ka Danbeeyay

Wenger Oo Qaatay Eeda Guuldaradii Chelsea Islamarkaana Iska Diiday Shirkii Jaraa’id Ee Ciyaarta Ka Danbeeyay

Wenger

Arsene Wenger ayaa sheegay inuu qaadanayo mas’uuliyada buuxda ee xasuuqii 6-0 ee ka soo gaaray kooxdiisa Arsenal kooxda reer London ee Chelsea isagoo warkaan ku sheegay wareysi uu siiyay TV ka hor inta uusan iska indhotirin shirkii jaraa’id ee uu saxaafada kula hadli lahaa ciyaarta ka dib.

Chelsea ayaa ceebeysatay Arsenal iyagoo 6-0 ku xaquusay kulankii 1000aad ee Wenger, iyadoo seddex gool iyo casaan la isagu daray 17kii daqiiqo ee ugu horeysay, ka hor inta aysan ciyaarta hal dhinac noqonin.
“Haa, dabcan waa maalinteydii iigu xumeyd xirfadeyda tababarenimo” ayuu 64 jirkaan u sheegay BBC.
“Ciyaarta waxa ay dhamaatay ka dib 20 daqiiqo, xitaa ka hor ayay dhamaatay. Itodobaadkan oo dhan isaguma diyaarineysid inaad goob joog u ahaato wax sidaan oo kale ah.
“Guuldaradan waa qaladkeyga, anaga ayaa qaadanaya mas’uuliyada buuxda” ayuu hadalkiisa raaciay.
“Uma maleynayo inaan u baahanahay inaan qaladaadkeena wax badan ka hadlo. Maanta waa nala qariyay.”
Wenger ayaanse la hadlin saxaafada inteeda kale ee shirkiisa jaraa’id ee la filayay inuu qabto ciyaarta ka dib, iyadoo Arsenal ay u sheegtay suxufiyiinta in shirkii jaraa’id ee Mourinhoo oo la dheereeyay darteed inay keentay in baska Arsenal uu baxo markii ay aheyd in Wenger uu hadlo.