Xaafadda Sheekh Nuur Ee Barriga Hargeysa Oo Xalay Nin lagu Dilay iyo Booliiska oo Aan Wali Cid u Qaban.

Xaafadda Sheekh Nuur Ee Barriga Hargeysa Oo Xalay Nin lagu Dilay iyo Booliiska oo Aan Wali Cid u Qaban.

Baastoolad

Hargeysa(Salaanmedia.com) Xaafadda Shekh Nuur ee magaaladda Hargeysa (Kilika shanaad) ayaa xalay lagu Dilay nin la odhan jiray Shacayb, kaasoo ka tirsanaan jiray Booliska balse laga Ruqseeyey.
Dilka Shacayb ayaa dhacay xalay kadib markii nin aan la aqoonsan oo qori sitaa rasaas ku faray isagoo maraya xaafadaasi, kaasoo isla markiiba baxsaday.
Booliiska Hargeysa ayaa baadi goobayaa gacan ku dhiiglihii Dilkaa gaystay, hase yeeshee wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in aanay wali Booliisku ku guulaysan qabashada gacan ku dhiiglahaasi