Xil. C/qaadir Indho Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Soo Dhagax Dhigo Baadhitaanka Ceelasha Batroolka Ee Sool

Xil. C/qaadir Indho Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Soo Dhagax Dhigo Baadhitaanka Ceelasha Batroolka Ee Sool

INDHO

Hargeysa, March 17, 2014 (Salaanmedia.com) – Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu baaqay inuu socdaal ku tago magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana uu soo dhagax dhigo qodista ceelasha Batroolka ee ku duugan deegaanada Sool, kuna boqaadiyay madaxweyne Siilaanyo socdaalka uu shalay ku tagay degmada Laasqoray ee bariga Sanaag.
Md C/qaadir Indho oo ka mid ah xubnaha guddiga joogtada ee golaha guurtida oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta golahooda ayaa isagoo ka hadlaya safarka madaxweynaha waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka hanbalyeynayaa safarka madaxweynaha iyo waftigiisu ay ku marayaan gobolada dalka, kuwaas oo gaadhay meel aanay tagin Siyaad Bare, Cabdiraxmaan Tuur, Ina Cigaal iyo Daahir Rayaale waana madaxweynihii ugu horeeyey ee Laasqoray gaadha.
Socdaalka kale ee uu madaxweynuhu ku soo maray gobollada kalana waan hanbalyeynayaa ee uu waxqabadka ka muujiyey ee uu waddooyinka dhagax dhigayo ama furayo, muhiimada waxa weeye Laasqoray iyo gobollada bariga koob ayaa yaalay madaxweynayaashaas hore ee wadanka soo marayna way hanan kari waayeen macal kii xukumayey Somalida weyn ee Siyaad Barre.”
Xildhibaan C/qaadir Indho Indho waxa kale oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu madaxweynuhu soo arko baahiyaha ka jira gobollada bariga Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inuu baahida dhulkaas taala wixii laga qaadayna inay gaadheen soo arko, wixii aanu hore u sheegi jirnay ee aanu odhan jirnay madaxweyne wixii kaa tagay dadkii loogu tala galay may gaadhin wixii tagayna inuu soo arko wixii kalana inuu xisaabtan dhaba galo baahidoodadana inuu soo arko, anaga oo rajaynayna inuu soo maro Badhan iyo deegaanada kale”
Xildhibaanku waxa uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu madaxweynaha u soo jeedinaynaa inuu gobolkii Sool soo arko oo uu Batroolkii soo dhagax dhigo, waana la ogyahay waxa Batrool meeshaas laga qoday haday Xudun tahay, haday Laascaanood tahay, gobolada qaarna dekedo ayuu dhagax dhigayaa, qaar waddooyin ayuu dhagax dhigayaa, qaar waxbarashada iyo caafimaadka ayuu dhagax dhigayaa, waxaanan u soo jeedinayaa inuu Laascaanoodna qodista Batroolka u soo dhagax dhigo”
Ugu danbayn Md C/qaadir Indho ayaa fariin u diray xisbiyada mucaaridka waxaanu yidhi “Qoladii mucaaridka ahaydna waxaan leeyahay madaxweynihii aad odhan jirteen caafimaadkiisu ma fiicna waad arkayseen sidii uu u dabaashay, shacbi weynaha waxaan u soo jeedinayaa sidii ay reer Boorame sheegayeen in shan sano oo danbe la doorto”