XILDHIBAN C/RASHIID FAARAX OO KA MID AH XILDHIBANADA GOLAHA DEGAANKA BURCO OO QALAB SPORT IYO KOOB KU WAREJIYAY DOWLADA HOOSE BURCO + SAWIRO

XILDHIBAN C/RASHIID FAARAX OO KA MID AH XILDHIBANADA GOLAHA DEGAANKA BURCO OO QALAB SPORT IYO KOOB KU WAREJIYAY DOWLADA HOOSE BURCO + SAWIRO

Rash 1

Burco (Salaanmedia.com) Xildhiban C/Rashiid Faarax Cali Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta Dirays Sport Oo Tiro Badan iyo Koob ku Warejiyay Maayirka Degmada Burco –

Rashii 4

Munaasibad Baladhan Oo Loo Qabtay Wareejinta Deeqdani Oo Lagu Qabtay Hoolka Xarunta Dowlada Hoose ayaa Waxa ka Soo Qayb-Galay Maayirka Degmada Burco,Mayir ku Xigenka,Xildhibano ka Tirsan Golaha Degaanka,Ciyaartoy Tiro Badan iyo Marti Sharaf Kale Duwan.
Xildhiban C/Rashiid Faarax Oo isagu Mudooyinkii u Danbeyayba Booqasho ku Joogay Wadanka Emiratka Carabta ka Dib Markii ay Jaaliyadda Reer S/land Ee Wadankaasi Uu ka Helay Marti-Qaad Rasmiya.

Rashiid 10

Ugu Horaynba Waxa Munaasibadaasi ka Hadlay Xildhiban C/Rashiid Faarax Cali Oo ah Xildhibanka Deeqdani Dirayska ah ku Warejinaya Dowlada Hoose Burco ayaa Fahfahin ka bixiyay Dirayskani Kale Duwan Ee Uu Xildhibanku Ugu Tallo-Galay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer.

Rash 6

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Runtii Socdaalkii Aan ku Tagay Wadanka Emirata Carabta Waxaan Muhiimada Kowaad Saaray Sidii Aan u Xoojin Lahaa Tayada Ciyaartoyga Gobalka Togdheer,Jaaliyaddii Reer Somaliland Ee Wadankaas Ugu Tagi Tagay inta Badan Waxay igu Canaanten Ciyaartoyga Gobalka Sidii Loo Tayayn-Lahaa,Burco Barigii Hore Waxa Lagu Yaqaanay Ciyaar-toy Talo Leh,Maanta Waa Nasiib Darro inay Ciyaartoygii Togdheer Kala Qoqobmeen,Ciyaartoygu Qabiil Maaha Ee Waa Qaran Ciyaartoyga Sidaas ayaan Leeyahay,Runtii Deeqo Kale Duwan Oo Tiro Badan ayaa idin soo Socda,Waxaan Balan-Qaad Badan idinka Sidaa Dad Badan Oo Jecel inay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer ay Guul Gadhaan Deeqo Kale Duwan Oo ay Shegen inay Soo Diri-Donaan,Waxaan Maanta Ciyaartoygii Togdheer u sidaa Dirays Badan iyo Koob Aan Ugu Magac Darnay Koobka isdhexgalka Bulshada Togdheer” Ayuu Yidhi Xildhiban C/Rashiid Faarax

Rashiid 5

Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) iyo Xildhiban C/Raxmaan Laki Oo iyaguna Munaasibadaasi ka Hadlay ayaa soo Dhaweeyay Dirayskani iyo Koobkani Uu Xildhiban C/Rashiid Ugu Talo-Galay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer,

Rash Bidhi 2

Waxaanay Xildhibanadani usoo Jeediyeen Ciyaartoyga Reer Togdheer inay ilaliyaan Wada Jirta iyo Magaca Gobalkaba.

C/Raxmaan Cumer Xasan Oo ka Wakiilka ah Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Wadankaasi Emirate Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay Jaaliyad ahaan ay Diyaar u Yihiin Sidii ay Kaalin Muuqata Uga Gaysan lahayeen Sidii Loo Tayayn-Lahaa Ciyaartoyga Reer Burco.

Rashi 7

Gaba-Gabadii Waxa Halkaasi ka Hadlay Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad Waxaanu Amaan Baladhan usoo Jeediyay Xildhibanka Maanta Deeqdani Soo Gadhsiyay Waxaanu Maayirka Shegay inuu Xildhibankani ka Mid Yahay Xildhibanada inta Badan Diyaarka u ah Horumarka Degmada Burco.

Waxaan ka Mid ahaa Hadalidisii Sida tan “Maanta Waxaan Halkan Qalab Muhiim ah Oo Tayo Leh Kala Waregaynaa Xildhiban C/Rashiid,Waxaanan Duco u Dirayaa Xildhibanka iyo Cid Kasta Oo ka Qayb-Qaatay Deeqdani Loogu Tallo-Galay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer,Dirayskani iyo Koobkani Runtii Waa Kuwo Anfacaya Ciyaartoyga Reer Togdheer,Waxay Muujinaysaa dadka Dibada Jogaa Ee Gobalkan u Dhashay Siday u Jecel Yihiin inay Sportigu iyo Dhalinyaradu Horumarto,Waxa Loo Baahan Yahay inay Dhalinyaradu Fikirto Oo ay ka Fekerto Maxaa Laydinku Keenaya Qalabkan, Aad iyo Aad ayuu Xildhibanku u Mahadsan Yahay Khayr iyo Guul ayaan u Rajaynayaa ” Ayuu Yidhi Maayirka Degmada Burco Sheikh Maxame Muraad.

Ugu Danbayntii Maayirka Degmada Burco ayaa Dirayskii iyo Koobkii Uu Xildhibankii C/Rashiid Faarax Ugu Talo-Galay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer ka Gudoomay.

Laaqalo