Xoogagga Al-Shabaab Oo Jiif & Joog-ba U Diiday Ciidamada Itoobiya + Dagaal Xalay Lagu Miray Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Moqokori Ee Gobolka Hiiraan

Xoogagga Al-Shabaab Oo Jiif & Joog-ba U Diiday Ciidamada Itoobiya + Dagaal Xalay Lagu Miray Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Moqokori Ee Gobolka Hiiraan

Shabaab

Muqdisho (Salaanmedia.com):- Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay oo idil ka socday degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Kaasoo u dhexeeyey ciidamda Itoobiya iyo Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii ciidamada Itoobiya oo kaashanaya ciidamada Dawladda Federaalka Somaliya ay shalay ku ruqaansadeen isla markaana degeen duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ee Somaliya.
Dagaalkan oo aad u cuslaa isla markaana sida wararkii ugu dambeeyey sheegayaan socday xalay oo dhan ayaa gunaanadkiisii waxaa ciidamada Itoobiyaanka lagu khasbay inay dib ugu gurtaan halkii ay ka soo ruqaansadeen oo ahayd degmada Maxaas.
Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac fara badan ayey wararku sheegayaan.in.lagaadhsiiyey

Ciidamada Itoobiya. Sidoo kalena waxaa la sheegayaa in Gawaadhina halkaasi lagaga gubay. Waxaana haatan degmada Moqokori si buuxda gacanta ugu haya xoogagga Al-Shabaab.
Gulufka dagaal ee beryahan ka socda Somaliya ayaa u muuqda mid fashil ku dhaw kadib dhiig-bax fara badan oo maalin iyo habeen walba ku socda huwanta AMISOM.

Salaanmedia/Moqdisho