Xubno ka Tirsan Xisbiga Mucarad ah Ee Wadani Ee G/Togdheer Oo Gaadhay Degaank Shansha-Cade Soo Dhawayn Baladhana Kala Kulmay Dadka Degaankasi

Xubno ka Tirsan Xisbiga Mucarad ah Ee Wadani Ee G/Togdheer Oo Gaadhay Degaank Shansha-Cade Soo Dhawayn Baladhana Kala Kulmay Dadka Degaankasi

WADANI 1

Burco(Salaanmedia.com) Xubno ka tirsan xisbiga mucaarid ah ee wadani ayaa saaka booqday deegaanka shansha cadde oo ka tirsan gobolka Togdheer

Madaxdani oo uu horkacaayey musharaxa golaha baarlamaanka ee xisbigaasi ahna masuuliyiinta sar,sere ee xisbiga wadani Yuusuf Barre Cusmaan Iyo Gudoomiyaha degmada Burco ee xisbiga wadani xasan Saleebaan Cadhood ayaa waxaa ay deegaankaasi kala kulmeen soo dhawayntii ugu balaadhnayd ayagoona shacabka ku dhaqan degaanka Shansha Cadde Ay Oday Iyo Dhalinyaraba ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo calanka xusbigaasi.

Waxaana ka dhex muuqaday soo dhawaynta masuuliyiintan odayaasha deegaanka oo aan u kala hadhin maanta ayagoona lulaayey calanka xusbigaasi

Soo dhawayntaa ka dib waxaa ay masuuliyiintani goob fagaare ah kala hadleen dadkii soo dhawaynaayey ayagoona ugu mahadnaqay soo dhawayntaa balaadhan ee ay u sameeyeen waxaana halkaasi hadalo kazoo jeediyey Musharaxa golaha baarlamanka ahan madaxda xisbigani ugu saraysa Yuusuf barre isagoona odayaasha iyo dhamaanba dadkii soo dhaweeyey uga mahadnaqay soo dhawayntaasi waxaana uu halkaasi markii ugu horaysay ka shaaciyey musharax nimadiisa waxaan hadaladiisii ka mid ahaa “maanta inbadan baan halkan isugu nimi anigo oo wada cid kale haday tahay gole degaan barlamaan ama madaxwayne maanta lakiini anaa is wada xisbigaan isku wadaana waa wadani”
Waxaa Kale Oo uu sheegay in uu Waxqabad la taaban karo ka gaysan doono deegankani isagoo hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi “waxbadan baa halkan la yimi balan qaadyo siyaasadeed laydiin sameyey rubtii anigu ma ba balan qaadayo lakiin waan bilaabayaa waanan wadayaa,

Waxaana uu qalab ciyaaareed isla markaana ay aad ugu farxeen dhalinayaradii goobtaasi ku sugnayd “Halkan waad aragtaan qalabkii sportska oo ka kooban dirays iyo shabag gii biraha Ayaan idiinku wareejinayaa Waxaan kaloo halkan ka balan qaadayaa in aan degmadan keeni doono gaadhi umblace ah oo aan jeclaan lahaa inuu maanta halkan taagnaado balse wadada kusoo jira,Waxaa kale oo aan dhagax dhigi doonaa Garoonak Kubadadda cagta oo aaan dayr taar ah ku wareejin doono sidda ugu dhakhsaha badan

Gudoomiyaha degmadda Burco ee xisbiga wadani Xassan Saleemaan Cadhood Ayaa Isna dhankiisa mahad naq balaadhan u jeediyey dadka ku dhaqan deegaankaasi waxaana uu sheegay inay baahiyaha degaankaasi ay wax ka qaban doonaan isla markaana ay ku hanwayn yihiin haddii ay hantaan taladda dalka inay degmo u magacaabi donaan shan_sha Cadde
Oday Ibaraahim Baaruud Iyo Faarax Huryo oo goobta iyaguna ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegankani ay ahaan jireen xisbul xaafidka Kulmiye Balse Ay Maanta Door Bideen Xisbigan Mucaaradka Ah ee Wadani

Bile Faarax Cali Oo ka mid ahaa mujaahidiinta SNM ee Dalkan Usoo Halkamy isla markaana ka mid ah odayaasha degaanka ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey goobtaasi ka mid ahaa “Sidaa ay odayaashu idiin sheegeen magaaladu waxay u badnaydxisbiga kulmkye waxaanse aanu halkan ka sheegaynaa xisbiga kumliye kala goosi maahee kala gurasho weeyaan hadii aanu idinka waynay wixii aanu doonaynay waa kala kurasho”
Gaba gabdiina waxa ay dhagax dhigeen garoonka kubadda cagta iyo wadada isku xidha gaadlayaal iyo shansha cadde Ayagoona sheegay inay garoonka ku wareejin doonaan dayr Taar Ah Wadadaasna Ay Kabisi donaan

Isku Soo wada duub oo waa markii ugu horaysay ee abid xisbi mucaarad ah uu goobo noocan oo kale ah dhagax dhigo isla markaana sheego inuu ka dhabayn doono inta aanu gaadhinba xiliga doorashada.
Waxaana ay dadka deegaankasi ugu mahadnaqeena balanqaadka ay rabaan inay sida ugu dhakhsaha badan ugu qabtaan deegaankan shansha cadde oo anay xukuumaddu waxba ka qaban.

Salaanmedia/Burco

.