“Xukuumadan Waxa U Hadhay Sanad Iyo Badh Marka La Gaadho Ayaanu Ka Talin, Doorashada Madaxtooyadana Wax Aynu Kaga Fursan Wayno Inay Xilligeedii Ku Qabsoonto Anigu Maanta Ma Arko”

Gud. Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
Saleebaan gaall

Hargeysa, March 2, 2014 (Salaanmedia.com) – Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in muddo xileedkii xukuumada Somaliland iyo xilligii ay qabsoomaysay doorashada madaxtooyada ay ka hadhay muddo sanad iyo badh ahi, waxaanu tilmaamay inaanay jirin arrin xilligan lagaga fursan waayo in doorashada madaxtooyada dib u dhac ku yimaado.
Gudoomiye Saleebaan waxa kale oo uu sheegay in marka la gaadho xilliga ay dhamaato muddada sanadka iyo badhka ah ee xukuumada u hadhay ay markaasi gole guurti ahaan ay ka talin doonaan, balse waxa uu sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in doorashada madaxtooyadu ay ku qabsoonto muddadii loo cayimay.
Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warbaahintu xogwaraysi kooban kala yeelatay sida uu u arko muddo kordhinta la sheegayo in xukuumada loo smaayn doono iyo walaaca laga qabo in doorashada madaxtooyadu aanay ku qabsoomayn in muddada ka hadhay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumada waxaa u hadhay muddo xileedkeedii ugu yaraan muddo sanad iyo badh ah, Ilaahay hayna gaadhsiiyo markaasaanu ka tali doonaa, wax aynu kaga fursan wayno qabsoomida doorashada madaxtooyada maanta anigu ma arko, doorashadii madaxtooyadana waxaa ka hadhay muddo sanad iyo badh ah xilligii loo cayimay qabsoomideeda”
Gudoomiyaha guurtida oo la su’aalay marka la eego duruufaha ku gadaaman qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo qabyooyinka sharci ee horyaala doorashadaasi in dib u dhaca doorashadu muuqdo waxa uu yidhi “Waxaanu ku rajo waynahay in doorashadii madaxtooyada xilligeedii ku qabsoonto”.