Abaar Ba,an Iyo Biyo La’aan Ayaa Ka Jirta Degmada Buuhoodle Iyo Tuulooyin Hoos Yimaada

Abaar Ba,an Iyo Biyo La’aan Ayaa Ka Jirta Degmada Buuhoodle Iyo Tuulooyin Hoos Yimaada

Haraad

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.29.2014-Biyo-la’aan laxaad leh ayaa laga soo wariyay deegaanno hoos taga degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Biyo-la’aanta ayaa saamaysay nolosha dadka iyo duunyadda.
Duqa degmada Buuhoodle Cumar Mahdi Xaaji oo war-baahinta la hadlay, ayaa sheegay in biyo-la’aantu ay ka dhalatay xilligii Jiilaalka oo dheeraaday iyo roobabkii Guga oo aan weli curan.

Inta badan ceelashii biyaha roobka lagu kaydin jirey ayuu sheegay inay gureen (qallaleen), isagoo intaas raaciyey in xilligan qiimaha biyuhu uu si aad ah u kordhay. “Inta badan baraagihii ay dadku ka cabi jireen way qallaleen, meelaha ugu daran ee ay biyo la’aatu saamaysayna waxaa ka mid ah magaalo-madaxda gobolka ee Buuhoodle iyo tuulooyin hoos taga sida: Sool-joogto, Meygaagle, Dhilaalo, Shan-galle, Balli-docol, Kal-shaale, Hagoogne, Sarmaan-tuke iyo Dandan…” sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah odayaasha Buuhoodle.
Dhan kale, isla degmada Buuhoodle waxaa shalay ka dhacay dibadbax roob-doon ah. Boqollaal dadweynaha Buuhoodle ku nool kamid ah ayaa salaad roob-doon ah ku tukadey kuna duceystey garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle…………..

Salaanmedia/Burco